“Muuse Biixi waa Nin ad-adag oo dhaqan Soomaali ah leh, waa nin ku adag noloshiisa iyo ta ummadda, mana aha nin la jiid-jiidayo oo loo talinayo..” Eng. Maxamed Xaashi
Hargaysa 27. November 2017 (SDN/QJ):-Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi ayaa shaqsiyadda Madaxweynaha la doortay ee Muuse Biixi Cabdi ku tilmaamay Nin ad-adag, balse talada wanaagsan qaadan kara, isla markaana kula taliyey inuu daryeelo shaqaalaha dawladda iyo ciidammada, isagoo kula dardaarmay sidii uu dalkan magac ugu samayn ee uu ummaddiisana baahida uga saari lahaa.
Maxamed Xaashi Cilmi ayaa wareysi uu shalay siiyey telefiishanka ERYAL kaga hadlay Aqoonta uu u leeyahay Madaxweynaha la doortay iyo talada uu u gudbinayo iyo sida uu u arko dhismaha xukuumadda cusub iyo waliba in isaga laf ahaantiisu uu hunguri ka hayo inuu ka mid noqdo xukuumadda cusub ee dhawaan la soo dhisi doono.
Maxamed Xaashi waxa uu ugu horreyn ka hadlay saamaynta qabiilku ku leeyahay xulista Golaha Wasiirrada iyo heerka tirada xubnaha golaha wasiirrada ee habboon, waxaanu yidhi “Qabiil waliba waxa uu doonayaa in Wasiir loo magacaabo, markaa ma jirto Wasiirku wax uu u tarayo reerka ee waa kharash lagu boobayo xoolihii ummadda oo Wasiirku isaga ayuun baa ku xaragooda oo jaad ku cuna ee waxba cid uma qabto”.
Maxamed Xaashi wuxuu ka digay in tirada Golaha Wasiirada ee la soo Muuse soo Magacaabi doonaan badato “Toddobaatan Wasiir ayaa Maanta jira, sidaasi awgeed waxaan loo baahnayn 55ka mid ah, waxa loo baahan yahay oo 15 wasiir oo kaliya oo hawsheena ku filan, kolkaa waxa ku baxaa waa kharash aan loo baahnayn, waxaynu ku jirnaa kharash fasahaad ah oo uu jaadku inoo weheliyo”. Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray isagoo ka jawaabaya haddii Madaxweynaha la doortay uu tirada golaha Wasiirada yareeyo inuu caqabadi ka hor imman karto “Caqabad ku noqon meyso oo Wasiirku reerka waxba uma qabto, balse reerku wuxuu u baahan yahay in wax looga qabto Biyaha, Caafimaadka, Waxbarashada iyo in horumar loo sameeyo, taasi ayaa dadka iyo dalku u baahan yihiin”.
Wasiirkii hore ee Maaliyadda Somaliland Maxamed Xaashi Cilmi waxa kale oo uu Wareysigaa kaga hadlay “Salaadiintu waxay wasiirrada u doonayaan waa Madaxweynaha noo gee, salaadiintu reer bay u boqran yihiine waa inay reerkooda wax ha u doontaan, maxaa dul-dhigay xoolaha Qaranka, Madaxweynuhu waxa uu hayaa waa ammaano ummadeed, waana inuu ilaaliyaa oo uu ka soo baxaa”.
Maxamed Xaashi waxa kale oo uu ka hadlay in xubnaha golaha Wasiirada ee hore lagu soo daro xukuumadda uu soo dhisi doono Madaxweynaha la doortay, “Waxa ugu horreysa maxay qabteen ee loo soo celinayaa, Nin aan waxba qaban maxaa loo soo celin, waa la wada eeday Wasiiradan jooga iyo Wakiillada iyo Guurtida”.
Maxamed Xaashi waxa kale oo uu ka dayriyay xaaladda dhaqaale ee shaqaalaha dawladda iyo Ciidammada, isla-markaana waxa uu kula dardaarmay Madaxweynaha la doortay inuu daryeelo, “Waxaan odhan lahaa Muuse Biixi, Shaqaalaha dawladda iyo Ciidammadu way baahan yihiin oo waxa la siiyaa kuma filna oo anigu berigii (Wasiirka Maaliyadda aan ahaa), waxaan u kordhiyey 100%, kii labaad ayaan u waday oo waa la iga soo gaadhay (oo Xilkaa la iga qaaday), waxaanay u baahan yihiin aadmigan shaqaynayaa waxay ku noolaadaan oo ku filan, markaa daryeelkooda ku dedaal”.
Dhinaca kale, Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi waxa la weydiiyey inay is arkeen Madaxweynaha la doortay iyo waliba inuu ku jiro hunguri xil Wasiirnimo, waxaanu yidhi “Is maanu arag intii uu ololaha ku jiray oo arrimahan iskamaanu arag”, intaasi kadibna waxa uu iftiimiyey hab-dhaqankiisa shaqsiga ah ee siyaasadeed, “Aniga xagayga kolkay noqoto, waligeyba wax hala I siiyo ma odhan oo waligay intaan cid u tegay waxaa ii qabo ama waxaa iga dhig maan odhan, imikana da’ ayaan ahay, kolkaasi uma baahni arrimahaasi”.
Sidoo kale, Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu sifeeyay shaqsiyadda Madaxweynaha la doortay “Muuse Biixi waa Nin ad-adag oo dhaqan Soomaali ah leh, waa nin ku adag noloshiisa iyo ta ummadda, mana aha nin la jiid-jiidayo oo loo talinayo ee waa nin talada wanaagsan qaadanaya, tii xuna isaga tegaya”.
Ugu dambayntii, Maxamed Xaashi Cilmi waxa uu kula taliyey Madaxweynah la doortay ee Somaliland Md Muuse Biixi Cabdi inuu dadka iyo dalka wax u qabto oo uu ku deydo Madaxweynayaasha waddamadooda horumariyey, “Madaxda aan jeclahay inuu Muuse Biixi raaco oo uu ka mid noqdo waxa ka mid ah Madaxweynaha dalka Ruwanda oo kale oo dalkiisii ka dhigay dal aad u qurux badan oo dhaqaalihiisiina kor ayuu u qaaday, iyo waliba Madaxweynayaasha waddamada Turkiga, Maleysia, markaa Muusoow waxa kuu bannaan inaad raggaasi raacdo oo aad la mid noqoto oo aad magac yeelato oo dalkan magac u sameyso oo ummaddan baahan aad baahida ka saarto”. Ayuu yidhi Siyaasi Maxamed Xaashi Cilmi