|

Muuse Biixi VS Green Plaza W/Q: Maxamed Cabdilaahi Biixi

12181903_10201300042738499_1823213947_nAddamuhu waxa uu u noolyahay dhaamantii misena uu dunidani  guudkeeda u jooga si uu u helo nolol xor ah, fikir xor ah, dhaqaale xor iyo dhaqaaq xor ah oon waxna dabrin.

Intanina maaha badankeedu wax uu qofku jaangoyn karo se astaamahan  intooda badan waxaa jaangoyn kara  deegaankaad ku nooshahay, cidaad la nooshahay iyo sidaad jeceshahay inaad u noolaatid. Haddaba,  waxaan tani uga socdaa bulsho kastaa si ay intani u gaadho oo dhamaystirani waa inay heshaa il iyo goob intani oo dhan dusha ku qaadata oo suuro  galisa sidii uu shaqsigii u heli lahaa isla baradii ku haboonayd hab nololeedkaasi uu doonayo amaba uu sawiranayo.  Sidaasi aawadeed, ka hadalka arrimaha masiiriga ah ee mustaqbalkeena  saamaynayaana waa waajibaad iyo masuuliyad caqliga xilkaska ahi dareemayo, sababta oo ah waxa uu caqligaasi leeyahay “cidda intani kuu keeni kartaa waa mid aad aduu dooran  kartid ee intii cid kale kuu doori lahayd cid aan ku haboonayn adigu inta ay aragti ahaan kuula muuqato ugu baaq ciddaasi.

sidaasi aawadeed,  aqoonyahanka kasta iyo mufakir kastaa waa waajib saran ka fikirada cidda mustaqbalka  ina hagaysa ee rabta inay jaangoyso horumarkeena iyo hab nololeedkeena oo dhan. Maxaa yeelay talaabada aad qaadaa waa ta saamaynta ku leh isla masiirkan.

Napoleon ayaa waxaa laga hayaa” dunidu waa ay gubanaysaa, umana gubanayso qaladka inta xuni fashay se waa ka aamusnaanta inta garaadka leh”, sidaasi aawadeed, ka aamusnaanta waxyaalaha kugu hareeraysan ee mustaqbalkaaga saamaynayaa waxay ka dhigan tahay adigii oo middi u dhiibaya qof  waalan  si uu hadhaw toole kaaga laayo ubadka.

Intaasi ka bacdi,  waxaan hordhacaasi usoo qaatay inaan maanta iddin la wadaago aragtidayda gaar ahaaneed  iyo sidaan u arkayay barnaamijkii su’aalaha tooska ah lagu waydiinayay guddoomiyaha xisbiga kulmiye ahna musharax u tartamaya siduu u hantiyi lahaa jagada musharaxnimo ee xisbigiisa.

Barnaamijkaasi oo ahaa mid taxane ah oo horn cable tiifii soo qaban qaabisay  oo hore loogu soo waraystay  labada guddoomiye ee xisbiyada kale waa cirro iyo faysale  ayaa isla sida oo kale waxa markiisii lasoo casuumay muuse biixi cabdi,  goobtu waa ay ka duwanayd sidii hore  waxaana  soo buux dhaafiyay dadweyne aad u badan mise badankoodu ah dhallinyaro hadda jaamacadaha wada iyo qaar dhameeyayba;  waxaanad arkaysay xiisaha  iyo dareenka loo hayay muuse waraysigiisu inuu ahaa mid intii hore ka xamaasad badan oo ku dhadhansiin karysay inuu xisbul xaakimku yahay kani ugu awooda badan misena ugu saamaynta badan guud ahaan dalka oo dhan.

Dad badan waay ay taaganayeen markii  meeshu ka buuxsantay,  Inbadanna albaabka yaaba laga xidhay markii maamulka tiifiigu ka baqay in fara badnidu carqalad galiso habsami u socodka barnaamijka. Barnaamijka ayaa sidiisii caadada ahayd lagu bilaabay taariikh nololeedka mujaahid muuse biixi cabdi , taariikh nololeedkiisa meesha laga aqriyay waxa uu ahaa taariih nololeedkii ugu dheeraa abide e meeshaasi laga aqriyo. Waxa ku duugnaa warbixino  badan oo muujinaysa kartida iyo waxa uu guddoomiyuhu soo gashaday dalka.

kadibna  isaga ayaa la wareegay inuu ka hadlo waxa u qorshaysan iyo hababka uu u maraayo qorsheyaashaasi  mustaqbal ee u yaala.

Qudbadiisu waxay ahayd mid aad u dheerayd oo aad u miisaan cuslayd, tanina  waxay sababtay inay ka ka badatay waqtigii  caadiga ahaa ee loogu talo galay sidaasi aawadeed waa loo kordhiyay.

QUDBADU SIDEE BAY AHAYD?

Qudbada uu muuse jeediyay waxay ahayd qudbad aad u miisaan cuslayd una eekayd in laga soo fikiray oo aad loo soo daraaseeyay,  waxayna  u qaab eekayd qudbad ay soo diyaariyeen hal qof in kabadani  tanina waxay ahayd astaan muujinaysa wada tashiga jira iyo inuuba guddoomiyuhu sida madaxda caalamka leeyahay speech consultant.

Sidaasi aawadeed, qudbadaasi oo 15 minute wax ka badan socotay  aan u kala qaadno qoddobadii uu guddoomiyuhu ka hadlay siday ukala miisaan cuslaayeen iyo waxii laga dheehan karayay hilaadintiisa(vision) ;  qoddobadii ugu xasaasinaa misena sida gaar ah ii soo jitay ee ii muujiyay lexo jeclada,  dal jacaylka iyo aragtida dhabta ah ee uu  qabo  waxa ka mid ahaa qoddobka waxsoosaarka.

Waxa uu awooda saaray waxsoosaarka dalka taasi oo uu guddoomiyuhu sheegay in kaliyaata ayna ahayn xaalufka deegaanka sida ba’an u saameeya  sida ay dadka badankoodu ku doodaan mid ay sababtay dhuxulaysiga dhirta se sida oo kale waxyaalaha ugu waaweyn ee xaalufkaasi  ay kamid yihiin:

v  socodka daadadka aan qorsheha loo samayn .

v  cimilada dunida oo sii xumaanysa.

v  Samayn la’aanta  seerooyin iyo dhul  beereed tayo leh

v  Isticmaalka midhaha la bacrimiyay ee laynoo soo dhoofiyo( runtii qodobkani waxa uu ahaa qodobka ugu muhiimsan ee dhamaanba dawladaha adduunku  ay ka hortag laxaad leh saaraan, sababta oo ah midhahani waxay keenaan tayo iyo tiro yaraanta midhaha, waxa kale oo ay keenaan carro guur amaba dhimashada carrada waxsoosaarka leh.  waxaanad markiiba ka dhadhan sankartaa guddoomiyuhu inuu diyaar u yahay inuu waddanku noqodo waddan waxsoosaar leh oo isku isku filan, intanina waa mid kamid ah waxyaalaha lagu garto hogaanka raba inay dadkiisu ku noolaadaan nolol cisi iyo karaame leh oon ahayn dawarsiga iyo baaq waydiisashada beesha caalamka).

v  Samaynta siyaasad cad oo wax soosaar oo dalka ah walibana si gaar ah u taabanysa dhulalka waxsoo saarka leh.

v  Guddoomiyuhu waa shaqsi aaminsan sida qudbadiisa laga dhadhansan karayay waxa loo yaqaan nolosha is kaabta (hybrid life style) oo ah in dadka beeralayda aha amaba kuwa xoolalayda ahi yeeshaan xoolo iyo beero iswata si waxsoosaarku tayo u yeesho oo ay u noqoto bulshadu mid aan hadday abaarsadaan xoolaha amba beeruhu dhamaane se ay awoodaan dadkaasi isku dheelitirnaanshaha iyo siticmaalka labadaba( tani waxay ahayd runtii qodob aan shaqsiyan u qushuucay oo I tusinaysa sida uu u yahay hogaamiye visionary ah oo creative ah rabana horumar wada socda oon kala hadhin.

 

Dhanka kale guddoomiyuhu waxa uu aad ugu nuux nuuxsaday oo waliba si ka duwan siyaasi kasta uu si cad u kala dhigdhigay aqoonsigu waxa uu yahay iyo aragti ahaan sida uu u arko in Somaliland caalamka lagaga iibin karo, weedhihii uu ku cabiray waxay ahaayeen qaar muujinyay daraaseyn xeel dheer iyo baadhis badan oo uu sameeyay. Tanina shaqsi ahaan waxay I tustay sida uu 30kii sanno ee kasoo  wareegtay shaqadiisii militarynimo inuu noqday akhriye iyo daraaseeye siyaasada si weyn u dhexgalay oo khibrad guun ah hantiyay.

waxa uu qoddobadaasi u kala dhigay si lamid ah  hanaanka ay madaxweynayaasha dunidu ugu qudbadeeyaan shacabkooda marka ay rabaan inay aragti ka iibiyaan.

Sidani waa habka la yidhaah soo warinta tagtada ay dad ku tanaadeen( narrative statements.) waxaana dhaqan ahaan isticmaali jiray HAMILTON, ABRAHAM LINCON, OBAMA IYO SADAM HUSSEIN,  habkani waxa uu shacabka tusiyaa in wax la soo tijaabiyay oo khasaarihiisa iyo faa’idadiisaba la arkay marlabaad lagu tijaabiyo bulsho curdin ah isaga oo laga jafjafay oo qaladaadkii hore.

Inkasta oo hanaanadaasi uu u marayo ictiraaafku dheeraa oo aynaan qoraalkan kaga gayoon karin haddana waxaad dareemi laraysay marka uu ku tusiyo wadiiqo iyo hanaanba inuu yahay shaqsigani shaqsi ku haboon hogaamin oo hadda ay ka go’an tahay siduu uu ugu tagi lahaa taariikh iyo horumar  ma guuraan ah. Waxa uu muuse u muuqday hogaamiye akhriyay heshiiskii Montevideo ee 1933kii, axdiga qaramada midoobay ee aayo ka tashiga, axdiga caalamiga ah ee aayo ka tashiga xuquuqaha madaniga ah iyo kuwa aayo ka tashiga ah iyo axdiyo kale oo badan tanina waxa cadaynayay sida uu soo qaatay  tusaaleyaashan:

v  Waddanka waqooyiga kuuriya oo hanaankii ay martay maanta gayaysiiyay inay yeelato awood military.

v  japan

v  Waddanka Israel

v  Waddanka Singapore .

v  Waddanka south sudan.

Tusaaleyaashani oo sharaxaad dheer uu siiyay guddoomiye muuse waxay ahaayeen qaar runtii dareen galinaya maskaxda taqaana halka uu horumarku yaalo  iyo dulucda furfuraanta ku duugan hogaamiyaha ay u dhiibanayaan hogaankooda.

Dhanka kale,  waxa uu awooda ku saaray qudbadiisa waxbarashada, caafimaadka, dhaqanka, dhismayaasha magaalooyinka, amaanka , midnimada iyo xuduudaha .

Intani oo sharaxaad dheer haddiba aan ka bixino inagu qaadanaysa ku dhawaad 7bog ayaa waxaan ku dadaalayaa hogaamiyahani sidii uu u sharaxay bal inaan falanqayno.

Waxbarashada waxa uu qiray dadka hortoodana ka sheekay inuu rabo hirgalinta barnaamij waxbarasheed ah in qofkasta oo Somaliland joogaa wax barto oo ugu yaraanna dadka waaweyn la baro qorista iyo akhriska soomaliga( zero illiteracy) , waxa uu sheegay in luuqada somaligu ay noqoto tani koowaad ee asalka u ah dalka lana xoojin doono ( waa astaan muujinaysa  sida uu hogaamiyuhu u rabo sii jiritaanka afka somaliga iyo waliba sii ilaalinta asalka soomaalinimo oo maanta u muuqda mid dabar go’weyn lagu jiro misena mustaqbalka qorsheyaal badan laga damacsanyahay, intani waa astaamaha muujiya dhab hadalnimada iyo muwaadinimada hogaamiya).

Dhanka kale,  waxa uu ku celceliyay in tayada waxbarashadu muhiim tahay laga bilaabo heer malcaamadeed ilaa heer jaamcadeed  si loo helo ilmo wax soo saar leh oon kaliyaata ahayn buug buug sita( tani waxaad ka dareemi karaysay weedhihiisii ahaa ta’kiidinta ee uu ku lahaa wiilka/gabadha dhallinyarta ahi waa inay waxbarataan marka hore oo naftooda dhisaan).

Caafimaadku waa shayga ugu muhiimsan ee muwaadinku xaqa u leeyahay ayuu ku hadaaqay waxaanan doonayaa  in muwaadinku caafimaadka ugu yaraan uu helo inta aasaaska ah oo qalab ahaan iyo aqoon ahaanba dhamaystiran.

Waxyaalaha lagu majiirto hogaamiyayaasha ruuxiga ah waxaa kamid ah: sida uu markasta ugu heelan yahay  in la helo sinaanshiyo dhaqaale iyo mid cadaaladeedba, tanina may ahayn mid ka maqan muuse se waxay ahayd mid uu ku taamayay oo ku celcelinayay waliba isaga oo lahaa “waxaan aaminsahay suuqa xorta ah, dimuquraadiyada, sinaanshaha iyo dastuurka qarankani u yaala( runtii weedhahani waxay ahaayeen weedhihii ugu cuslaa ee iyaga oo sidan isku barkan uu  masuul hankaasi lehi jeediyo oo uu israaciyo, waa astaan muujinaysa rabitaankiisa uu ku rabo abuuritaanka nolol lawada faraxsanyahay oo taajirka iyo saboolku si u wada fal gali karaan.

Dhanka kale,  waxay muujinaysay sida uu hogaamiyuhu kaliyaata u ahayn dimuquraadi ee uu u yahay muslim ogol ka qaadashada dimuquraadiyada waxa diintu ogoshahay maxaa yeelay marka uu leeyahay waxaan aaminsanahay dastuurka dalka waxay ka dhigan tahay inaan waxkasta oo diinta islaamka ka hor imanay dalka lagu dhiqi karin).

Sida oo kale, hogaamiyeyaasha caalamka waxa lagu yaqaan ka shaqaynta midnimada iyo isku keenida dadka waddanka u dhashay haba kala farac duwanaadaane,  si tani la mid ah  ayaa uu muusena aamin sanyahay:  is dhexgalka dhamaanba gobollada dalka kuwada yaala iyo xaafadahaba weedhihiisiina waxaa kamid ahaa” waxaan rabaa in wiilka calaamadaha dagani uu dago jigjigayar, ka xera-awr daganina uu dago new hargeysa”.  Tani waxay ahayd fariin cad oo muujinaysa sida uu ugu hanweyn yahay dal iyo dad mid ah oo is dhexgala( social interaction) lehna hal shay oo mideeya oo ah somalilandnimo.

Militariga iyo cududa qaranka waxa uu ku sheegay muuse inay yihiin tiirarka qaranka(national pillars), waddankasta oo awoodiisa military dhisaana uu noqon karo mid leh haybad iyo ixtiraam ay dhamaanba u hayaan inta la jaarka ahi. Waxa uu ku taagtaagsaday maadama oo aynu ku nool nahay mandaqad aad u xasaasi ah inay  muhiimtahay dhisida ciidan military oo tiro ahaan , tayo ahaan iyo tamar ahaanba la tartami kara waddamada caalamka; waxaana uu hadalkani ahaa mid muujinaya sida uu lexojeclada uga qabo sii jiritaanka qarankan iyo ahaanshiyihisa mid mandaqada laga ciseeyoba.

“Hadda dunidu waxay ku dagaalantaa khayraadka dabiiciga ah, si taasi loogu helo sugnaanshiyo iyo inaanay waddamada jaarka ahi kusoo dhicinna waa tiir muhiim ah adkaynta ciidankeenu”  waxa ay kamid ahaayeen kuwani nuxurka ku jiray qudbadiisa.

Isku soo wada xooriyoo qudabadii uu muuse jeediyay may ahayn tu matalaad ah(rhetorical) se waxay ahayd qudbad ay la socotay daliilo cad cad iyo tiirar asaas u ah wadiiqo kasta oo loo marayo hirgalinta rabitaankiisaasi. Waxay ahayd mid la standard ahayd kuwa ay madaxda caalamku jeediyaan halka:

Qaab joogsiga hogaamiyaha raba inuu shacabkiisa la hadlo( leadership style).

Aftahnimada, kalsoonida, dhoolocadaynta, firfircoonida (stage perfomance).

Waxa uu ahaa hogaamiye muujiyay firfircooni iyo waliba awoodiisa  jidheed oo ka mid ah qodobada hogaamiyaha laga eego kartidiisa( qaabkan oo kale waxa u dhaqma oo stageka isaga oo sara jooga ku dhamaysta su’aalaha la waydiinayo madaxda waddamada  America,  united kingdom iyo Rwanda oo madaxdoodu ay yihiin qaar karti leh misena aan raaxo jecel ahayn, se jecel hawl kasta inay waqtigeega ku fuliyaan) .

Su’aalihii la weydiiyay

Qaybta  kale su’aalihii la waydiiyay guddoomiyuhu aragti ahaan waxay iila muuqdeen inay haayeen su’aalihii ugu ad adkaa ee abid la waydiiyo hogaamiye u tartamay siyaasada dalka .

Badankoodu waxay ahaayeen  su’aalo kaliyaata la talaabsanayay waaqaca iyo marxalada lagu jiray se aan u badnayn hiraalka iyo hiigsiga laga rabo hogaamiye u tartamaya meesha jaan goynaysa mustaqabalkeena. waxaa badanka la waydiiyay guddoomiyaha su’aalo  la xidhiidha dhacdooyinkii uu soo sameeyay amaba lagu eedayn jiray guddoomiyaha inta uu siyaasada kusoo jiray,  kuwani oo badanka aan ahayn su’aalo macno badan iyo nuxurbadan u keenaya cidda ay u rabno inaynu dooranaa waayo waxii tagay maaha jaangooyaha berri se ka fikirida waxa jooga  baa ah jaangooyaha berri.

Marka laga tagi waayo waxa jiray tiraba su’aalo dhawr ah oo la tacaluqay garsoorka,  dhallinyarta, tartanka xisbiga gudihiisa ka socda iyo balanqaadyo dhallintu la gashay.

Dhamaantoodna su’aalahaasi oo u badnaa dhacdooyin lasoo dhaafay iyo mudac ku taagis si shaqsi ah u taabanayay guddoomiyaha ayaa haddana uu guddoomiyuhu ku qaabilay waji furan iyo jawi dagan oonay ka muuqan cadho , jidhdiidis iyo ka xumaanshiyo uu ka xunyahay in waxaasi laga tagay een macnaha baan lahayn.

Se si kaduwan siyaasiyiintii hore oo iyagu lahaa waxyaalaha suuqa yaala hay waydiiina ma uu odhan isagu se dhamaantood waa uu ka jawaabay, waana uu ka qanciyay asxaabtii su’aalahiisi waydiisay.

Jawaabaha guddoomiyaha waxa laga dhex dheena karayay inuu guddoomiyuhu ogolaa fikirka xorta ah iyo is dhaliilista( freedom of though and criticisms)

Waxa laga dheehan karayay sida oo kale inuu dadka siinayay kala dooraanshiyo ah in shaqsigu  u madaxbanaan yahay doorashadayda amaba doorashada cid kale haddiiba uu maslaxad u arko, tanina waxay ahayd astaan muujinaysa  dimuquraadiyadda  iyo bislaanshiyaha siyaasadeed ee guddoomiyuhu hantiyay( waa astaan ka mid ah astaamaha lagu yaqaano hogaamiyaha xorta ah ee ruuxiga ah)

Waxa ka muuqatay gudoomiyaha markuu jawaabayay inuu kalsooni hadalkiisa iyo ficilkiisaba ku qabo , tanina waa sifaha lagu yaqaan hogaamiye ee ah inuu yeesho hogaamiyuhu karti, go’aan qaadasho iyo ka fiirsasho.

Jawaabo badan oo uu bixiyay guddoomiyuhu waxay ahaayeen qaar qiiro lahaa oo xaqiiq taabasho ahaa, in badan oo meesha joogtay waxay la dhacsanaayeen run sheegista iyo isku xidhka dhacdooyinkii waqtiyo hore iyo kuwa hadda jooga si hadhaw toole mustaqbalka  halkani looga jaangooyo.

Jawaabaha qaabkani iskugu xidhani waa kuwa lagu yaqaan hogaamiyayaasha caalamka ee hogaamiya wadamadda horumaray.

Waxa kale oo aad iyo aad u cajiib ahayd balanqaadkii uu guddoomiyuhu galay ee ahayd haddiiba layga guulaysto kulmiye iyo somalilandba odaygoogii baan ahay oo waan dhisayaa, runtii weedhahani waxay ahaayeen qaar dareen wata oo muujinaysa lexojeclada, dad jacaylka iyo dal jacaylka guddoomiyaha. Waakani hogaanka aynu u baahanahay oo ah ka inaga naxa se aan inaga nixin.

Guddoomiyuhu waa musharaxa kaliyaata ee ugu tunka weyn inta tartamaysa marka la eego waayo aragnimada uu siyaasada kusoo jiray iyo khibrada uu dalka u leeyahay, waana ninka kaliyaata ee maalintii dalk alasoo galay ilaa maanat ayna isaga iyo ubadkiisu ka bixin dalka ee ay dheef iyo dhibba shacabka la qabeen, waa ka kaliyaata ee maanta haddiiba dalka wax ku dhacaan ay ina wada saamaynayso isaga iyo caruurtiisiba se maaha mid dhoof ku yimi oo ubadkiisa iyo ehelkiisa badaha dhaafiyay.  Maaha muuse nin aan kala aqoon dadka iyo dalka oon kala saarayn waxa deegaan hebel ka xajiimoodo iyo waxa deegaan hebel ka helo se waa  mid intaasiba si wacan u kasaya oo fahansan.

Sidaasi awadeed uma baahnin siyaasi loo yeedho waxa uu dalka ku maamulayo hadhaw haddii uu guulaysto oo qolooyin intay xuurtaystaan ku yidhaahdaan halkan ka jog iyo halkan mar anagaa kaaga waayo aragsan dalka oo sii joognee( haddiiba aynu kaasi doorano waxaynu kusii danbayn doonaa booraan iyo dhul bahalo galeen ah oo la inaga raadin doonaa).

Guddoomiyuhu maxaa uu qalad sameeyay?

Dhanka kale,  guddoomiyuhu waxa uu qalad ku galay oo u muuqatay inaanu fahmin amaba uu u badheedhay su’aal ahayd guudoomiye maxaad kula talin lahayd dhallinta rabta siyaasada inay kusoo biiraan? Taasi oo uu si aan u qalmin uu uga jawaabay( aragti ahaanse marka dhan laga eego aad is odhan karaysay malaha lexo jeclo ayuu u yidhi kalmadaasi).

Guddoomiyuhu waxa uu qalad ku sameeyay inaanu mawqif cad oo sharciya ah ka istaagin haamihii shidaalka.

Inaanu guddoomiyuhu  adeegsanayay mararka qaar weedho cadcad oo ay ka qurux badnaan lahayd weedho dublumaasiyadeed.

 

 

Gabogabo .

 

Waxa uu lahaaa awood uu ku soo hor istaagi karo dad aad u badan iyo aftahnimo uu ku qancIn karo malaayiin qof.

Waxa uu adeegsanayay kusoo celcelinta hadalka uu yidhaah iyo ta’kiidintiisa (eloquent).
Waxa uu ahaa siyaasi jecel inay jiraan awood xakmaysa oo la daba taagnaata xisaabin iyo dabagalid(check and auditing).
Waxa uu ahaa siyaasi yaraantiisii ilaa waqtigani jecel abuuritaanka fikrado xor ah oo haddana cadaali ah si aan loo kala tagin  (creativity).
waxa uu badanka soo qaadanayay qisooyin iyo sheekooyin taariikh dhabah oo dhacay uuna rabo inuu kuwaas oo kale dib u dhicin misena uu wax ka qabto(narrative).
waxa uu adeegsanayay luuqada loo yaqaan fara taagtaaga(gesture language)
Waxa uu ahaa shaqsi aad u firfircoon oo intaasi uu stageka taagan yahay kolba dhan u socda oo dhaqdhaqaaq badan isaga oo muujinayayna inuu yahay nin leh karti iyo awood uu ku taagnan karo leh oo sidoo kale leh adkaysi(tolerance).
Waxa uu ahaa shaqsi sacabiya, sacabkana raaciya dhagaystayaashiisha marka ay u sacabinayaan(admirer).

Waxa uu ahaa shaqsi siiya dadka dhagaysanaya iyo kuwa su’aalaha waydiinayaba kala dooranshiyo ah inay doortaan hadba cida ay u arkaan wanaaga dalkoodu inuu ku jiro se ay kala raacaan siyaasada muwaadinimada (citizenship based policy) ku dhisan amaba tani ku dhisan rajada uun (choice targeted).
Waxa uu ahaa shaqsi wajigiisu isla badbadalo hadba su’aalaha la waydiiyo se badanka qosol badan leh se mararka qaar af taag yari u weheliyo (non-frowning).
waxa uu ahaa siyaasi ay dadbadani oo taagerayaashiisa ahi ilmeeyaan qaar badanna qosolaan markuu qudbadaynayo(persuasive).

TALO

Muusaw ku daaal isticmaalka weedhaha dublumaasiyadeed.

Muusaw ku dadaal la sheekaysiga iyo la tashiga dhallinyarta.

Muusaw ku dadaal go’aamada wada tasghiga ku yimaad.

Muusaw ku dadaal duufsiga iyo siyaasad la ciyaarka inta kaasoo hor jeeda.

Muusaw ku dadaal yaraynta hadalada cadcad.

Muusaw ku dadaal soo dhaweynta iyo xaq siinta haweenka xisbiga ku jira.

W/Q: MOHAMED ABDILAAHI BIIHI

ADDIS-ABABA, ETHOPIA.  MEDICAL STUDENT.

FACEBOOK:DRKINGBIIHI YARE.

 

 

 

Comments are closed