|

Muuse Biixi oo sheegay in la dhaqangelinayo heshiiska Badda

Hargeysa June 09, 2024(QJ) -Madaxweynaha mudo dhaafka xilka ku jooga ee Somaliland, Muuse Biixi Cabdi, ayaa maanta khudbad sannadeed uu ka jeediyay baarlamaanka, si adag ugu difaacay heshiiska badda ee Itoobiya.

Biixi waxa uu sheegay in heshiiskii Itoobiya iyo Somaliland ee 1-dii January ee sanadkan uu yahay mid taariikhi ah oo ka dhigan “laba dal oo wax isweydaarsaday oo midi aqoonsi helay ka kalena uu helay saldhig ciidan.

Dowladda Federaalka ee Muqdisho ayuu ku dhaliilay inay ka soo horjeedo aqoonsiga Somaliland, taasina ay sababtay in ay miciin bidaan dalalka jaarka.

Waxa kale oo uu ku nuux-nuux saday in dal kasta oo diyaar u ah inuu Somaliland la galo wada-hadal wax ku ool ah iyo is-ixtiraam ay soo dhawaynayaan.

Hadalka Biixi ayaa ku soo beegmaya xilli Somaliland ay shaacisay in heshiiska lagu hirgelin doono muddo laba bilood gudahood ah, inkasta oo ay jirto xiisad diblomaasiyadeed iyo diidmo ka dhalatay heshiiska.

Heshiiska badda ee ay kala saxiixdeen 1-dii Janaayo 2024-kii Ra’iisul Wasaare Abiy Axmed iyo Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi, ayaa dhaliyay cambaareyn weyn oo gudaha iyo dibadda ah, gaar ahaan ka dib markii ay mucaaradad xooggan kala kulmeen dowladda Federaalka Soomaaliya.

Comments are closed