|

Muuse Biixi oo quustay iyo Madaxtooyadii oo haawaneysa

Hargeysa November 17, 2024(QJ) – Waxa isa soo taraya wararka sheegaya in isbedel baahsan laga dareemaya caasimada Hargeysa guud ahaan, gaar ahaan aqalka Madaxtooyada Somaliland.

Kulan ay dhawaan Madaxtooyada ku yeesheeen Madaxweynaha xilka ka sii degaya Muuse Biixi iyo Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Cadiraxmaan Ciiro, kulanka ayaa ahaa mid Muuse Biixi uu ku aqbalayay natiijooyinka hore u dhaca ah.

Ilo xog ogaal ah oo ay u warameen dad goobjoog ahaa ayaa noo sheegay in Muuse yiqiinsaday in looga adkaaday dooroshooyinkii Madaxtooyada, xisbigiisiina soo bixidiisa shaki ku jiro.

Geesta Kale, Madaxtooyada Somaliland ayaa u muuqatay mid haawaneysa oo intii ugu badneyd agabkii halkaa yiilay laga gurtay.

Xafiisyada Madaxtooyada ayaa la sheegay in kuraastii, miisaskii iyo Daahyadii laga guray, sidoo kale Madaxtooyada ayaa gawaaridii iyo ciidamadii ilaalada laga daadgureeyay.

Xisbiga Waddani ayaa walaac ka muujiyay xaaladan kala guurka ah ee uu dalku galay bacdamaa aaney jirin agab iyo aduun ay ka dhaxlayaan xukuumada dhacday.

Arinka ayaa laga baqa qabaa in dalka ay dhaxalsiin kareyso xaalado hubanti la’aan ah todobaadyada soo socda ee xasaasiga ah.

Allaha u naxariistee Madaxweynihii Hore ee Somaliland Axmed Siilaanyo ayaa la ogaa sidii habsamida leheyd ee uu dalka kala wareegay Madaxweyne Daahir Riyaale, isla markaana uu isna Muuse ugu wareejiyay dal dhameystiran.

 

Comments are closed