Muuse Biixi Oo Markii Ugu Horraysay Ka Hadlay Suldaanka Cusub Ee Subeer Awal
Hargeysa (QJ/SDN) – Gudoomiyaha Xisbiga kulmiye ahna Murshaxa jagada madaxtinimo ee xisbiga Kulmiye, ayaa markii ugu horraysay ka hadlay suldaanka cusub ee subeer awal ee dhawaan lagu caleemo saaray magaaladda hargeysa. Isla markaana wuxuu sheegay inuu la shaqayn doono suldaanka cusub.
Warsaxaafadeed arrintan ku saabsan oo ka soo baxay xafiiska xisbiga Kulmiye, kulana saxeexanyahay murshaxa madaxweyne ahna Gudoomiyaha kulmiye Muuse Biixi Cabdi “ “Sida aad la wada socoteen waxa dhowaan magaalada Hargeisa lagu caleemo saaray suldaanka guud ee beel-weynta Subeer-Awal Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan,
Haddaba Xisbiga Kulmiye isaga oo ogsoon muhiimadda ay la shaqeynta saldanaddu u leedahay dhismaha qarankeenna, Nabadgelyadeena iyo Hana-qaadka dimuqraadiyadaba, kana duulaya tafiirta iyo faca Saladanadda waxa uu aqoonsan yahay lana Shaqaynayaa Suldaanka Guud ee Beelaha Subeer-Awal Suldaan Maxamed Axmed Suldaan Cabdiraxmaan
Allaa Mahad Leh.