Muuse Biixi Oo Loo Doortay Musharaxa Madaxweyne Ee Xisbiga KULMIYE
Hargeysa,10Nov,2015(QJ/SDN)-Shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ka socday magaalada Hargeysa ayaa lagu doortay musharaxa madaxweynaha ee xisbigaasi.
Xubnaha golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye ee ka soo qayb galay shirkan oo tiradoodu dhamayd 365 ergay ayaa waxa u codeeeyey Muuse Biixi Cabdi inuu noqdo musharaxa xisbiga Kulmiye 344 xubnood, halka ay diideen 14, waxaana ka aamusay 7 xubnood. Xubnaha ka cadooyaya ayaa waxa ka mid ahaa wasiirka warfaafinta Cabdillaahi Cukuse isagoona dhoollacaddaynaya ayuu ka codeeyay murashaxnimada Muuse Biixi.
Waxaanu Muuse Biixi Cabdi sidaas ku noqday musharaxa madaxweyne ee xisbiga Kulmiye ee matali doona doorashada madaxtinimada ee soo socota xisbiga Kulmiye.
Wixii warar ah ee kasoo kordha kala soco Somalidiasporanews.Com