|

Muuse Biixi oo ka seexan Waayay magaacaabida Wasiir Biixi Iimaan Cige

Hargeysa July 09, 2023 (QJ) – Madaxweynaha Mudo xileedkiisu dhamaaday Muuse Biixi ayaa la sheegay i uu si weyn uga carooday in Soomaaliya ay Wasiirka Maaaliyada u magacawday Biixi Iimaan Cige oo ka soo jeeda beesha Garxajis.

Wasiir Biixi Iimaan Cige oo hore aan wax culeys ah u saarin xukuumada Muuse ee faashilka ah ayaan la garaneyn sababta uu sidan uga carooday magaacibidiisa.

Masuuliyiinta Garxajis ee ka tirsan xukuumada Federaalka Soomaaliya oo aan wax dagaal ah kula jiran xukuumada HEEGEYSAN ee Hargeysa ayaa hadana Muuse lagu kari la’yahay in uu u quuro xilalka ay halkaa ka hayaan.

Muuse ayaa la sheegay i uu u cawday Villa Soomaaliya oo uu beryahan midnimo ku beer laxawsanayay, balse aan cabashada laga hoos qaadin.

Muuse Biixi ayaa hore u amaanay xubnaha beeshiisa ka tirsan ee Muqdisho ku sugan isaga oo kuwa beelaha kalena ku sheegay in ay yihiin qaran dumis.

Comments are closed