Muuse Biixi oo diiday in uu la kulmo weftigii Itoobiya ee ciidamada
Hargeysa. 4 August, 2022. (QJ)- Madaxweynaha Somaliland ayaa diiday in uu la kulmo wefti heer sare ah oo dawlada Itoobiya ay usoo dirtay Somaliland gaar ahaan magaalada Hargeysa, iyagoo waday fariin ka socotay raysalwasaare Abiy Axmed.
Waftigan oo ahaa mid ciidan ee Itoobiya ka socda waxaa hoogaminaayay Hoogaanka Wardoonka Ciidamada Heer Faderaal ee dalka Itoobiya General Berhanu Kebede, sarakiil kale oo sare iyo Safirka dawlada Itoobiya u fadhiya Somaliland.
Muuse Biixi ayaa la sheegay in uu weftiga u sheegay in uu xanuusanayo oo aanu la kulmi karin wakhtigan iyadoo weji gabax ku noqotay saraakiisha heerka sare oo rabay in ay arkaan Muuse Biixi.
Qurbejoog ayaa ogaatay in Muuse Biixi ka baaqday safar Addis Ababa uu ku tagi lahaa iyadoo taa badalkeeda xukuumada Abiy Axmed ay weftiga usoo dirtay Hargeysa si ay ula kulmaan madaxda ciidamada iyo xukuuamdda Muuse Biixi. Waxaa xusid mudan in sarkaalkan ay hore isu arkeen murashaxa madaxweyne ee xisbiga Waddani.
Wefti ciidanka ah ee Itoobiya waxa qaabilay taliyaha ciidamada qaranka Somaliland, Nuux Taani, iyo saraakiil kale oo ka tirsan ciidamada kala duwan ee Somaliland.
Itoobiya ayaa danaynaysa in ay dhex dhexaadiso xukuumadda iyo mucaaradka Somaliland kuwaas oo isku haya doorashada ururada iyo wakhtiga la qabanayo, waxaana laga cabsi qaabaa isku dhacyo hubaysan. Itoobiya waxay ka cabsi qabtaa deganaansho la’aan Somaliland ka dhacda oo horseed u noqota in kooxda alShabaab ay ku fido gudaha Itoobiya.