|

Muuse Biixi Oo Awooddiisii Noqotay Inuu Kaliya Dib U Dhigo Shirkii Golaha Dhexe ee Xisbigiisa Muddo Aan La Cayimin

Hargeysa:Aug,06,2014(SDN/QJ)-Guddoomiyaha Xisbul-xaakimka talada Somaliland haya ee Kulmiye, ayaa ku dhawaaqay inuu mar kale muddo aan cayinayn dib u dhigay Shirkii Golaha dhexe ee Xisbigaas oo lagu waday inuu maalintii shalay qabsoomo.

ina biixiiiMuuse Biixi ayaa si cad u sheegay inuu shirkaas dib u riixay, isagoo aan wax sabab ah oo dib loogu dhigi karo ku qeexin war-saxaafadeed uu soo saaray.

Guddoomiye Muuse Biixi oo wali ku jira Go’doonkii siyaasadeed ee hore loo geliyey, isla-markaana Muddada shalay ku ekayd ee Shirka Golaha dhexe aan markii hore isagu talo ku lahayn cayimaaddeeda, ayaa Haatan war-saxaafadeedkan uu soo saaray ku ogaysiiyey xubnaha golaha dhexe ee Xisbiga in muddadii shirka kaliya la riixay, isla-markaana dib laga soo sheegi doono xilliga rasmiga ah ee la qaban doono.

Warqadda uu Guddoomiye Muuse Biixi soo saaray ee uu ku sheegayo in Muddadii shirka Golaha dhexe dib loo riixay, ayaa ku taariikhaysan 27-kii bishii July ee ina dhaaftay, walina si fiican looma fahmin sababta uu Guddoomiyuhu muddada intaas le’eg warqadda gacantiisa ugu hayey ee uu saxaafadda u gaadhsiin waayey.

War-saxaafadeedka uu Muuse Soo Saaray ayaa u dhignaa sidatan:

 

REF: XK/XGX/0042023/2014                                                                          Date: 27/07/2014

Ku: Xubnaha Golaha Dhexe

Ujeeddo; wargalin

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye Mud, Muuse Biixi Cabdi waxa uu ku wargalinayaa dhamaan xubnaha golaha dhexe ee xisbiga kulmiye in dib loo dhigay shirkii golaha dhexe, xiliga la qabanayo iyo goobta lagu qabanayana gadaal laga soo sheegi doono.

 

 

 

ALLAH                 MAHAD             LEH

 

 

 

 

 

Gudoomiyaha Xisbiga Kulmiye

 

 

 

Md. Muuse Biixi Cabdi

 

 

SDN/QJ-Hargeysa

timo@qurbejoog.com

Contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed