|

Muuse Biixi “KULMIYE ahaan diiwaan-gelinta waxaanu u aragnaa garnaqsi caalami ah”

Burco 16.Jan 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha, ahna murrashaxa jagada Madaxweynaha ee xisbal-xaakimka Somaliland ee KULMIYE  Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay  faa’iidada diiwaangelinta codbixiyayaasha doorashooyinka dalka iyo aragtida xisbigu ka qabo hirgelinteeda ka jeedieyey xafladdii ku dhawaaqista bilowga bixinta kaadhka codaynta ee magaalada Burco.

muuse-BiixiHaddaba, khudbadda Guddoomiye Muuse ka jeediyey xafladdaasi, waxay u dhignayd sidan; “Annagu KULMIYE ahaan diiwaangelinta waxaannu u aragnaa garnaqsi caalami ah, waayo waxay sheegaysaa bulshada caalamka oo tidhaahda Somaliland lama aqoonsana, bulshada caalamka oo tidhaa waxa Somaliland matalaya shirarka caalamiga ah cid aanaan garanayn cidda ay ka masuulka yihiin oo aan nafahooda ka masuul ahayn oo aan dalkooda xukumin.

Waa markii labaad ee aynu diiwaangelin hirgelinno iyo markii lixaad ee aynu doorasho galno oo aynu ku socono, waxaannu u sheegaynaa in diiwaangelintani tahay awood aynu ku diidayno gardarrada golayaasha caalamka lagaga hortaagan yahay Somaliland, diiwaangelinta iyo doorashooyinkuba waxay tilmaamayaan Somaliland dadkeedu kuwa ay yihiin oo ah inay yihiin dad himilo iyo hiigsi fog leh, inay yihiin dad taladooda, karaamadooda iyo dalkooda Ilaahay siiyey aan cidna marnaba marti uga noqonayn, mar dambena cidi u maamuli doonin ee iyagu gacantooda ku haynayaan, taa waxa marag u ah innaga oo xaaladahaa adag ku jirna intaynu doorasho qabanay, intaynu nabad ka shaqaynay, intaynu maamul dhisanay iyo intaynu dalkeenna horumarinay innagoo isku duuban.”


“Sidaa darteed, hawsha diiwaangelinta ee aynu maanta u soconaa maaha uun in aynu kaadh qaadano oo ku codayno doorasho ee Qaranka ayeynu ku dhisaynaa, markaa waxaannu ugu baaqaynaa dhammaan muwaadiniinta reer Somaliland inay is-diiwaangeliyaan si ay uga qaybgalaan doorashada oo ay madaxda dalkooda iman doonta gacantooda ku soo saaraan, taageerayaasha KULMIYE waxaannu u soo jeedinaynaa inay hormood u noqdaan hawlaha qaranka oo ay kow ka tahay is-diiwaangelintu.”


“KULMIYE wuxuu bulshada u caddaynayaa xukuumad iyo xisbiba inay fuliyeen wixii waajibaad ahaa ee ka saarnaa diiwaangelinta, ummadda waxaannu u sheegaynaa in Komishanka oo aannu ku qabno kalsooni buuxda aannu ballan ugu qaadayno in aannu ku dhaqanno xeerarka iyo awaamirtooda oo aannu ixtiraamno, waxaannu u sheegaynaa xisbi iyo xukuumad ahaanba in aannu dhammaysanay wax alla iyo wixii hawl ahaa ee loogu diyaargaroobayey doorashada, xisbiguna uu qabsaday shirarkiisii, xisbiyada kale waxaannu ka sugaynaa Isha Allah inay si wanaagsan u dhammaystaan shirarkooda oo ay soo diyaargaroobaan.”

Muuse-Biixi-Cabdi

Comments are closed