|

“ Muuse Biixi iyo Cabdiraxamaan Saylici waxa ay u tartameen si saraaxad ah oo ay kalsooniyi ku jirto” Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta

Hargaysa 15.Nov 2015 (SDN/QJ):- Agaasimaha Guud ee Wasaarada Qorshaynta Qaranka iyo Xidhiidhka Caalamiga ah ee Somaliland Md. Cabdirashiid Axmed Sumal oo ku sugan magaalada Boorama ayaa  dareenkiisa ku aadan shirwaynihii 5aad ee golaha dhexe ee Xisbiga Kulmiye iyo natiijadii ka soo baxday ee lagu diirtay musharixiinta mustaqbalka ee xisbiga Kulmiye ka waramay.

agaasimaha-guud-ee-Wasaarada-qorshaynta-Cabdirashiid-Sumal

Agaasime Cabdirashiir Sumal ayaa ugu horayntii hambalyo u jeediyay Madaxwaynaha JSL Md. Axmed Maxamed Maxamuud Siilaayo oo uu tilmaamay in uu kaalin dhexdhexaad ah oo waayeelnimo ka qaatay shirwaynahaas waxana uu yidhi “ Madaxwaynuhu waa odaygii xisbiga Kulmiye ee xukuumadan maanta hormarka dhashay hogaanka u hayay, waxa aan qabaa in uu dhexdhexaad ka ahaa doorashadii ka dhacaday shirwaynihii Kulmiye, taasi cidbna la waydiin maayo oo Telefishanada ayaa lagala socday, khudbadii uu halkaasi ka jeediyay Madaxwaynuhuna waxa ay ahayd mid u taagnayd taanusaad, maamul daadajin iyo tusaale lagu soo hirto oo ka tarjumaya sida uu Madaxwayne Siilaanyo jiilka soo koraya ugu baneeyay wadada, loona baahan yahay in halkaasi laga sii amba qaado hormarkii uu jideeyay.

 

Sidoo kale ayaa Agaasime Cabdirashiid Sumal waxa uu hambalyeeyay Labada Musharax ee kala ah Muuse Biixi Cabdi iyo Cabdi iyo Eng, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil Saylici, kuwaas oo uu tilmaamay in ay yihiin labo muwaadin oo ku haboon oo hililooyinkii Madaxwayne Siilaanyo halkoodii ka sii amba qaaddi kara, maantana ah labadii masuul oo u qalma in loo cimaamado tartanka doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhici doona 2017.

 

Isaga oo hadalka sii wata waxa uu yidhi Agaasime Sumal “ Muuse Biixi iyo Cabdiraxamaan Saylici waxa ay u tartameen si saraaxad ah oo ay kalsooniyi ku jirto, ma qarsan dareenkooda ku aadan inay diyaar u yihiin inay tartamaan, ma diidin in lala tartamo, cidnana kama horjoogsan madashii uu tartanku ka socday, waxase banka is keenay cidii kalsoonida isku qabtay, waanay guulaysteen, waanan hambalyaynaynaa, waxana ay yihiin masuuliyiin ku haboon oo maalintii ku haboonayd musharaxnimo loo doortay”

 

“Waxa aan sidoo kale hambalyaynayaa Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Saleebaan Ciise Xaglotoosiye, oo aan leeyahay waxa uu muujiyay dadaal iyo karti dheeraad ah oo la arkayay sidii uu u tartamay iyo sidii uu dimuquraadiyada xisbiga Kulmiye ka dhex jirta uga run sheegay. Waxa kale oo aan ku hambalyaynayaa Wasiirka Wasaarada Caafimaadka Dr. Saleebaan sidii uu u qabalay natiijadii ka soo baxday tartanka, taasina waxa ay muujinaysay bisayl siyaasadeed iyo kalsooni” ayuu yidhi Ageesime Sumal.

 

Ugu dambayntii ayaa Agaasime Sumal isaga oo ku hal qabsanaya Wasiir Xaglatootiye, misana la hadlaya, koox kale oo aanu carab dhabin magacooda uu hadalka kus oo afmeeray “Wasiir Xaglatoosiye waxa uu ka fiicnaa dadka qaar oo la dhaqan ah “Dibi Qubul Ah Oo Hadba Dibiga Qooqan Isku Garab Qaawiya”

 

Comments are closed