|

“Muuse Biixaw, Anigu Waxaan U Malaynayaa Magac-xumo iyo kursi la’aan Inay ku wada qabsan doonto.Illaahay ayaa bixiya Axmed Siilaanyo…”Xildh. Siciid Cilmi Rooble

Hargaysa 22.October 2016 (SDN/QJ):- Xildhibaan Siciid Cilmi Rooble oo ka tirsan Golaha Wakiilada Somaliland, ayaa sheegay innuu aad uga naxsan yahay markii la tusay Murashaxa Madaxweynaha xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo ku guul-daraystay tartanka doorashada madaxtooyada ee dhacaysa 2017-ka.

xildhibaan siciid cilmi roobleXildhibaanku wuxuu sheegay innuu xasuustay wakhti dheer iyo maalmo badan oo uu tuurta ku siday Muuse Biixi Cabdi.“Waxaan Xasuustay Mujaahidkii Muuse Biixi ee aan tuurta ku siday muddada dheer. Muusow haddaad tidhaahdo kursina waan rabaa, waxa dalka ka dhacaayana ka hadlimayo. Muusow Illaahay ayaa kursiga bixiya Axmed Siilaanyo ma bixiyo. Muuse Biixaw anigu waxaan u malaynayaa magac-xumo iyo kursi la’aan ku wada qabsan doonto,”.

Sidaa wuxuu ka sheegay mar uu warbaahinta kula hadlayey wakhtigii khilaafka xisbiga Kulmiye oo uu hadal ka jeediyey aqalka Golaha Wakiilada Somaliland.

Comments are closed