|

Muuqaalkii Madasha, Dhalliilihii Ku Geddaanaa, Khaladdaadkii Doorashadii Xaglatoosiye Iyo Saylici Warbixin Iftiiminaysa Galdalooladii Shirkii Shalay ee Xisbiga Kulmiye

Hargaysa 11.Nov 2015 (SDN/QJ):- Madashu  waxay u ekayd mid la sii ogaa waxa ka soo baxaya, Hawl badan iyo hawlgal balaadhan oo la sheegay in habeen hore madaxtooyadda iyo xulafadda Saylici iyo Muuse qaadeen, dhaqaale badanna la rumaysan yahay in loo isticmaalay  ayaa loo tirinayaa inuu dhimay  ladhkii Saylici ku oognaa ee ku wajahnaa  guul uu doorashada ka gaadho.

Xubno door ah ayaa guurguuray habeenkaa, kuwaasoo markii hore ku tirsanaa dhanka Dr Xaglatoosiye.
Baayactan iyo wax kala iibsi aan fuddudayn ayaa la tilmaamay inuu socday ilaa niskii dambe ee habeen hore, kaasoo la tuhunsan yahay in loo isticmaalay hantida qaranka. Hiilka madaxtooyadda ayaa isna miisaankiisa lahaa.

Inkastoo madaxweynuhu ka gilgishay oo uu dhex isku sheegay,  haddana taasi ma muuqan ee waxa ifayay humaag kale oo tusmaynayay qorshaha  madaxtooyadda, kaasoo sargoyntiisu tilmaamaysay Muuse iyo Saylici, isla markaana waxa culays badan la saaray xubnaha beesha madaxweynaha iyo beelo kale.

laba kaleMaalin ka hor maalintii doorashada waxa lagu dhejiyay shaaracyada magaaladda sawiradda labaddaa murashax.

Dadka siyaasadda falanqeeyaa waxay  tilmaameen in taasi fasir ahaan u dhacaysay in aanay jirin murashixiin kale.

Haddii kale halka siddaa laga yeelay waxa ka haboonayd ama nidaamka ku quman, murashixiinta intii isku jago u tartamaysaba in isku meel sawirraddooda lagu dhejiyo, xitaa haddii laba ka mid ahi isku sidkan yihiin sida Muuse iyo Saylici.

KKKKKSlafagurayaasha dhex dhexaadka ah ee arrimahan isha ku hayay waxay badi isku raacsan yihiin in sidaa loo yeelay si looga hor tago guuldarro kala reebta Muuse iyo Saylici. Waayo, Muuse wuxuu ka ordayay in Xaglatoosiye ku soo baxo, midabka suuraha madaxtooyadana kaasaa loo arkaa.

ddrQodob kale oo xusid mudan waxa loo arkaa dadka maamulayay hannaanka diyaarinta doorashada oo laftoodu doonnida xulafadda saaraa farxaddooduna ahayd farxadda labaddaa murashax, halka Xaglatoosiye ka ahaa siyaasi keliggii is maamulayay oo aan galaangal u lahayn sidda saaxadda loo soo diyaariyay, haddana cudduda taageerayaashiisu waxay ku  keliftay xulafadda in ay u middoobaan.

Sababtoo ah Xaglatoosiye wuxuu ekaa kaluumayste firfircoon oo kalluunka laftiisu u heellan yahay, shabagiisana soo doonnanayo, taasina waa ta abuurtay cabsidda iyo in loo xeelad dayo sidii loo hakin lahaa, taasoo aakhirkii lagu guulaystay.

Hawl kasta oo la soo qabtayba  shalay subax markii laysugu tegay madasha, hadalhaynta saadaasha labadda dhinac waxay ahayd liggan, werwerku labada dhinacba jirro.

Hase ahaatee waxa horaantiiba laga dareemayay tabasho salkeedu ahaa dhinaca kaadhadhka taageerayaashiisa, balse murankaasi wuxuu u ekaa mid markiiba iska damay.

Bilic ahaan iyo muuqaal ahaanba madashu may il xumayn, isla markaana waxa ergooyinka loo diyaariyay fadhi afar qaybood oo isbarbar yaal ahaa. Dhinacyo kalena waxa loo diyaariyay marti sharafta kala duwan, saxaafadda iyo wixii soo raaca.

Ciidanka amaanka oo tiro ahaan xad dhaaf ahaa ayaa isna gudaha hoolka dhan kastaba ka soognaa. Sidaa darteed marka laysku jamciyo sawirka guud ee madashu waxay u muuqatay mid dad ahaan isku qubatay, oo fadhi iyo sarajoogba fool xumaynaysay muunnadii sharaxaadda hoolka oo u badnayd calanka Kulmiye oo lagu billay gidaaradda iyo korba.

Marar badan ayaa shir guddoonku ku rafaad ka mutay siday hawsha u socodsiin lahaayeen. Hase yeeshee aan u kacno dhan kale oo dhugano habkii wax u dhaceen iyo dhalliilaha doorashadii shalay, gaar ahaan doorashadii murashixiinta madaxweyne xigeenka ku loollamaysay oo ahayd humaaga  keliya ee dimoqraadiyad ahaan madashaa billayay, Xaglatoosiyena ka dhigtay hanaanshaha keliya ee suurageliyay in loogu yeedho kulankaa mid tartan iyo doorasho. Sababtoo ah tartan kale kama dhicin.   Haddaba aan dhugano  dhaliilahaa oo la fili karro in aanay dadka u wada muuqan, inta daymadda u lahaydna ay ku kala duwanaan karraan dhugashadooda.

Xaadiriskii Xubnaha

jjHubinta xubnaha coddaynayaa waa hawsha ugu muhiimsan shirka noocan oo kale ah, isla markaana sugnaanshuhu wuxuu ku xidhanyay hadba dariiqa loo marro. Mid ka mid ah hababkaa hubintu waxa weeye, liiska ayaa la dhigayaa miis muuqda dushii, kadibna waxa mid mid loo xaadirinayaa xubnaha, xubin kasta oo loo yeedhaa waxay imanaysaa miiskaa, isla markaana wuxuu/waxay saxeexayaa/saxeexaysa magaciisa/magaceedda, lambarka kaadhka uu sito iyo lambarka uu liiska kaga yaallaana waa isku mid. Mid kastaaba markuu saxeexo ayuu yeedhiyuhu odhanayaa hebel wuu saxeexay.

Siddoo kale mid kastaa markuu saxeexayo waxa isha ku haya oo miiska harreeraha ka taagan munaaqibiinta tartamayaasha, si mid kastaaba u sugto taageerayaashiisa, isla markaana dhanba dhanka kale isaga ilaaliyo khaladkiisa. Habkani wuxuu sahlaa in xubin kasta sawirkeedda/sawirkiisa la qaado.

Hase yeeshee shalay lama isticmaalin habkaa ee waxa la maray habka xaadiriska tooska ah ee qofku isagoo meeshiisa fadhiya marka la xaadiriyo, uu halkaa xaadir ka yidhaahdo ama gacanta taago.

Kaasoo wayd lagu tilmaamo marka loo eego habkaa hore, isla markaana loo nisbeeyo in si fudud wax laysu waydaarin karo, marka tiro boqolaal ah habkaa loo xaadiriyo.  Sidaa daraadeed siday ku dooddeen taageerayaasha Xaglatoosiye tuhunka habkani kama madhnayn madashii shalay.

Hebel hebel iyo waa jooggaa ama maqanyay oo isla xaadiriyuhu codbaahiyaha  marinayay mooyee, sugnaanta wejiyadda lama wada dhugan karayn.

Laakiin markii xaadiriskii dhamaaday Gud. Muuse wuxuu ku dhawaaqay tiradda xubnaha golaha dhexe ee xisbiga, inta isu diiwaangelisay kaadhka shirka, inta fadhida iyo inta maqan oo kala ahayd siduu yidhi sidan;  Tiradda guud ee golaha dhexe wuxuu ku sheegay 390 xubnood, inta isu diiwaangelisay kaadhka oo uu ku sheegay 373 xubnood iyo tiraddaa inta ka soo xaadirtay ee madasha fadhiday oo uu ku sheegay 365 xubnood. Markaa taasi waxay muujinaysaa in tiraddii guud ee xubnaha golaha dhexe ay maqnaayeen 25 xubnood, halka tiraddii isu diiwaan gelisay kaadhkana ay ka maqnaayeen 8 xubnood.

i doortaQaabkii Doorashada

Gudoomiye Jaamac Shabeel wuxuu ku dhawaaqay inay gacanta taagaan inta ogol in Cabdiraxmaan Cabdillahi Ismaaciil Saylici uu noqdo murashaxa madaxweyne xigeenka. Gacantaa la taagay, tiriyayashii baa safafkii dhex galay, muluq muluqdu may yarayn, balse markii tiriyayashii ku laabteen miiskii gudoonka si ay tirooyinka u gudbiyaan ayaa qaarkood muran dhinaca tiradda ahi ka dhex dhacay. Sidaa darteed gudoomiyuhu wuxuu ku dhawaaqay in lagu celinayo codka, halagu celiyee wuxuu bedelay habkii doorashada, isla markaana wuxuu ku dhawaaqay in inta ogol Saylici ay kaadhadhkooda ku soo ridaan kartoon uu qaaday xoghayaha gudoonka golaha dhexe. Taasina waxay cabudhisay isla hubintii munaaqibiinta iyo sanduuq sidaha kaadhadhka Saylici, waxaana intii hawshu socotay  dhacay buuq la xidhiidha kaadhadh lagu riday sanduuqa, isla markaana waxay saraakiil dhanka Xaglatoosiye ka soo jeeday iyo xubno kaleba laga soo xigtay, in la isticmaalay kaadhadhka xubno maqan oo ka mid ah isbahaysiga qaadacay ka qaybgalkii doorashadaa.


Xubno Kaadhadhkoodii La waayay

Dhanka kale waxa la tilmaamay inay jireen xubno ka mid ahaa taageerayaasha Xaglatoosiye oo la waayay kaadhadhkoodii, kuwaasoo tiro ahaan ay u tirinayaan in kaadhkoodii lagu daray tirsiimadda coddadka Saylici.

Siday Ogaal u sheegeen xubno u dhuun dalloolay qaabka loo bixiyay kaadhadhku, waxa la tilmaamay in habeen hore kaadhadhka ergayda beelaha qaarkood loogu dhiibay qofaf, taasina ay dhalisay wax is daba marin iyo in xubnaha qaar tirsiimadda Xaglatoosiye ku jiray la waayo kaadhadhkoodii.

Nooca Kaadhadhka Shirka

Kaadhadhka ergayda codka bixinaysay, kaadhadhka saxaafadda iyo warbaahinta shirka iyo kaadhadhka marti sharafta kale eek a qayb gashay ayaa iyana gebi ahaanba isku muuqaal ahaa oo aan waxba ku kala duwanayn, isla markaana wax ka soo qaad lahaa.

tiriKaadhadhkii ergadda aan labada murashax midna u coddayn

Guddoonku wuxuu ku dhawaaqay in 230 xubnood u coddeeyeen Saylici, 114 xubnoodna u coddeeyeen Xaglatoosiye, taasi waxay ka dhigaysaa wadarta kaadhadhka 344, sidaa aawadeed, sidaa aawdeed 365 kii kaadh waxa maqan 21. Guddoonku muu odhanin inta aan labada murashax midna u coddayni kaadhka ha taagto si loo hubiyo inay 21 kaasi kaadhkoodii haystaan. Sidaa darteed, 21 kaa xubnood kaadhadhkoodii lama oga meel ay mareen, waxaanay u tirinayaa inay coddeeyeen kuna dhaceen sanduuqa Saylici.

jkSaamayntii Khudbada Madaxweynaha

“Waxaan door biday in aan fursad siiyo, saaxadda mustaqbalkana u baneeyo siyaasiyiintii iyo saaxiibbadii sannadaha badan safka igula jiray.” Weedhaasi waxay ka mid ahayd khudbadii madaxweyne Siilaanyo, ka jeediyay madashaa coddaynta ka hor, isla markaana  fasirkeedu wax ka soo qaad buu yeelan karra  marka loo eego saamaynta isbedelka coddadka.

Inahaa iyo qaar kaleba waxa loo arkaa khaladdaadkii doorashadii shalay, oo marka horeba loo nisbaynayay mid xakamaysan marka loo eeggo eeddaha dhanka kale ee shirka qaadacay.

Si kasta oo wax u dhaceenba Xaglatoosiye wuxuu ahaa golejooga keliya ee macnaha u yeelay shirkaa, laakiin Saylici uma muuqan nin dareensan taa, isla markaana waxa la odhan karraa wuxuu ka jeclaa inlaga reebo oo uu sidaa Muuse keligii cidla ka qaato, sabatoo ah haddaan suurahaasi jirin dhankiisa muu hilmaameen inuu hambalyeeyo ninkuu tartanka kaga guulaystay, taasina waxay tusmaynaysaa inuu cadho badan qabay.

Comments are closed