Muuqaaladii Maanta ee Fadhigii Wada Jirka ahaa ee Labada Gole ee Sharci Dejinta Somaliland ee Xukuumadu Kaga Xalaashatay Heshiiska Saldhiga Berbera SAWIRO
Hargeysa 12. February 2017 (SDN/QJ):- Waxaa Maanta Fadhi Wada Jir ah ku Yeeshay Magaaladda Hargaysa Labada Gole ee Sharci Dejinta Somaliland ee Guurtida Iyo Wakiiladda.
Fadhigan Waxaa Shir Gudoominayay Gudoomiyaha Golaha Guurtida Somaliland Mudane Saleebaan Maxamud Aadan Waxaana Madashaasi Khudbad ka Soo Jeediyey Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Taas oo Nuxurkeedu ahaa Sidii Labada Gole u ansixin lahaayeen Heshiis Mugdi badani ku Jiray oo ku saabsan Saldhiga Mileteri ee Imaaraadka laga siinayo Madaarka Magaaladda Berbera.