Muuqaal Waraysi Xiiso Badan oo lala Yeeshay Madaxii hore ee sirdoonka al-shabaab Iyo Xogo Cusub oo uu soo Bandhigay DAAWO
Muqdisho 22.May 2015 (SDN/QJ)- Zakariye Ismaaciil Xirsi oo ahaa xubin sare oo ka tirsanaa Al-Shabaab ayaa wareysi gaar ah oo uu siiyay Wariyaha BBC-da ee arrimaha Afrika Andrew Harding kaga hadlay sababtii uu Al-Shabaab uga soo goostay, xaalada noloshiisa iyo mustaqbalka waxa uu jecel yahay.
Mr Zaki ayaa muddo saddex bilood ka badan ku nool dhismo aad loo ilaaliyo oo ay gacanta ku heyso Hey’adda Nabadsugida iyo Sirdoonka Qaranka, waa markii u horeysay oo uu suxufi ajnabi ah uu la fadhiisto, tan iyo markii uu soo goostay.
Zakariye oo 33-jir ah ayaa ku biiray Al-Shabaab sanadkii 2007-dii, waxaa uu xusay in ujeedadii horay ugu biiray Al-Shabaab ugu biiray ay aheyd in Soomaaliya la xoreeyo, xilligaasoo ay ku soo duuleen wadamo ka tirsan kuwa deriska.
“Waqtiyadii bilowga ujeedada waxay aheyd in Soomaaliya la xoreeyo oo wadamada Gobolka ay soo fara geliyeen, in wadanka la bad baadiyo, mar kale dib loo dhiso, laakiin dhabihii ayaa la qalday”ayuu yiri Zakariye oo ka jawaabayay su’aal aheyd sababtii uu Al-Shabaab ugu soo biirayakariye oo si wanaagsan luqada English-ka uga hadlayay, isla markaana horay Jaamacad ku taal Pakistan uga soo qalin jebiyay ayaa sheegay in markii uu dalka ku soo laabanayay ujeedadiisa ay aheyd inuu guursado oo uu mustaqbal wanaagsan sameysto.
Mar la weydiiyay in sababtii Al-Shabaab uga soo goostay ay aheyd markii uu ku guuldareystay dagaalka xaga awooda ee Al-Shabaab, ayuu ku tilmaamay mid aan sax aheyn.
“Taasi ma ahan wax sax ah, awood aan lumiyay ma jirto, marka ka soo tagayay awoodeyda jago ayaa sareysay, go’aankeyga ayaa qaatay”ayuu yiri Zakriye oo iska fogeeyay inuu wax ka ogaa weerarkii Westgate ee Al-Shabaab ku qaaday bishii September 2013, hase ahaatee uu isaga Shabaab ka baxay June 2013.
Zaki ayaa sheegay inuu xubin ka noqday qeybta Sirdoonka milateriga Al-Shabaab sanadkii 2010, balse waxaa uu diiday inuu xubin ka ahaa qeybta Amniyad ee qorsheysa weerarada is qarxinta.
Waxaa uu xusay in hogaankii hore Al-Shabaab uusan wax wada hadal ah la gelin hogaamiyeyaashii kale, isla markaana ay dhacday qaar ka mid ah saaxibadiisa la dilo, kuwana la xidho oo ilaa iyo haatan xabsi ku jira.
Sidoo kale waxaa uu xusay in Al-Shabaab ay isku dayayaan inay isaga dilaan, isla markaana ay haatan ugu yeedhayaan MURTAD, sida uu yiri.
Mar la weydiiyay waxa uu qabto ayuu sheegay in buugaagta uu aqriyo, taleefanada uu isticmaalo, isla markaana uu leeyahay baraha bulshada sida Facebook iyo Twitter.
Waxaa kaloo la weydiiyay sida uu u arko weerarkii Jaamacada Gaarisa ee Al-Shabaab ku qaaday bishii April, waxaa uu xusay inuu aad uga naxay weerarkaas.
“Runtii aad ayaa uga naxay arrin sax ah ma aheyn, arday dhalinyaro jaamacad dhiganeysay, anigaba aan iska soo qaado marka jaamacada dhiganayay, waa weerar aan raad ku laheyn Islaamka, aad ayaana uga xumahay”ayuu yiri Zakariye.
Wariyaha wareysanayay ayaa sheegay Zakariye aad loo dhaqaaleeyo, dowladdana ay si wanaagsan ula dhaqantay, waxaana uu Zakariye qudhiisa ka mahad celiyay sida loo soo dhoweeyay oo loola dhaqmay.
Xukuumadda Soomaaliya ayaa dooneysa inay Zakariye u adeegsato sidii saaxibadiisii hore ugu tartarsiin lahaa inay ku soo biiraan dowladda Soomaaliya.
Ugu dambeyn mar la weydiiyay qorshihiisa siyaasada oo ah Zaki oo horay uga tirsanaa Al-Shabaab inuu Xildhibaan noqonayo, ayuu aad u dhoola cadeeyay, kuna yiri wariyaha “Jagada muhiim ma ahan ee waxaa muhiim ah inaad dalka bad baadiso”
Ka daawo Wareeysiga Sakariye oo Muuqaal ah:
Muqdisho SDN/QJ