|

Muuqaal Mucjiso ah “Ma waysan Aadanaha Eegeyn Geella iyo sida loo Abuuray?!!! DAAWO

Hargaysa 08. Janaury 2017 (SDN/QJ):- Sidaan la socono Alle weyne wuxuu Qur’aanka inoogu sheegay xayawaanaat badan oo Alle weyne ugu nimceeyay Ibnu Aadamka, Sida Geella, Loda, Ariga inkastoo ibnu Aadamka uusan Alle ugu mahad celin dhamaan nimcooyinka ka dhasha xayawaanaatkaasi noloshooda waxtarka weyn u leh.

Hadaba barnaamijkaani waxaan ku arki doonaa sida Alle Weyne u siiyay Geella Mucjisooyin gaar ah oo uu kaga duwan yahay Abuurka kale ee xoolaha ah, wuxuuna Alle Weyne Ibnu Aadamka waydiiyay Su’aal cajiib ah inkastoo badankeen aanan isku taxalujin in aan wax badan ka ogaano su’aashasi.

Alle Subxaanah wxuu suuradda Al-Qaashiyaha (Dabooshadda) aayadda 17-aad Ibnu aadamka ku waydiinayaa su’aashaan. “ Ma waydaanan eegeyn Geella, sida loo abuuray”. Hadaba hadii aan inyar isku dayno in aan wax ka ogaano su’aasha Alle ina waydiiyay waxaan wax ka baran karnaa mucjisooyinka Geella qaar kamid ah.

Comments are closed