Muuq-baahiyaha CNN Oo Raalligelin Ka Bixiyey Warbixin Uu Hore Usii Daayey Oo Kenya Ka Cadhaysiisay
Washington:Aug,14,2015(SDN/QJ)0-Muuq-baahiyaha laga leeyahay dalka Maraykanka ee CNN, ayaa markii ugu horreysay raali galin ka bixiyay hadal uu bishii lasoo dhaafay shaaciyay, kaasi oo ahaa in uu wadanka Kenya ku qeexay meel hoy u ah kooxaha argagixisada.
Hadalkaas oo si weyn uga cadheysiiyay dowlada Kenya ayaa waxa uu kusoo aaday xili madaxweynaha dalka Mareykanka Barack Obama isku diyaarinayay booqashadii uu ku yimid Kenya, dabayaaqadii bishi July ee lasoo dhaafay.
Raaligalintan ayaa hada timid Isbuucyo kadib markii arrintan ay si weyn ugu shaac baxday baraha xidhiidhka bulshada isla markaana cambaareyn xoog leh uu la kulmay televishinka.
Madaxweyne ku xigeenka CNN-ka ee arrimaha caalamka ahna agaasimaha maamulka televishinkaasi Tony Maddox ayaa u soo duulay Nairobi isagoo si shaqsi ahna raali galintiisa ugu gudbiyay madaxweyne Uhuru Kenyatta.
Madaxweyne Kenyatta ayaa masuulka ka socday CNN-ka u muujiyay sida ay isaga iyo dowladiisa iyo shacabkiisaba uga niyad jabeen dhawaaqii kazoo yeedhay televishinkaasi.
Hadalka laga baahiyay televishinka ugu weyn dalka Mareykanka ayaa waxaa xiligaas jawaab kulul ka bixisay wasaaradda arrimaha gudaha ee uu hor kacayo Joseph Nkaissery iyo wasaaradda arrimaha dibadda ee ay hogaamiso Ambassador Amina Mohamed.
SDN/QJ
Contact@somalidiasporanews.com