“Musuqmaasuqii, Shaqo la’aanta, Sicir bararka, dhibaatadii uu badatay, waxaas oo dhan waxa lagaga bixi karaa Isbeddel reer Somaliland u dhan yihiin.” Murashaxa Waddani ee Maxamed Cali
Dila, 10.Jan 2016 (SDN/QJ):– Maxamed Cali oo ah Musharrax u tartamaya Madaxwayne ku-xigeenka Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI, ayaa oo Ku Sugan Xarunta Gobolka Awdal ee Boorama ayaa dadweynaha Magaalada Dila oo uu dhalasho ahaan ka soo Jeedo Wuxuu ku booriyey inay u Midoobaan Sidii Talada dalka uu Xisbiga Waddani oo uu ka dhex sharaxan yahay u hanan lahaa.
Musharrax Maxamed Cali, ayaa waxa halkaa ku soo dhaweeyay boqollaal qof oo ka mid ah Dadweynaha halkaas ku dhaqan, kuwaas oo iskugu jiray Madax-dhaqameed, Aqoonyahanno, dhallinyaro iyo Haween sitay Calanka Xisbiga WADDANI iyo boodhadh uu ku yaallo Sawirka Musharraxu.
Madax-dhaqameedka degmada Dila iyo Dad kale oo halkaas hadallo ka soo jeediyay, ayaa sheegay inay soo dhaweynayaan in Maxamed Cali oo ka mid ah Musharraxiinta u tartamaya jagada Musharraxa Madaxweyne ku-xigeenka ee Xisbiga WADDANI, waxayna ku sifeeyeen shaqsi u qalma inuu Madaxwayne ku-xigeen ama Madaxweyne u tartamo.
Gabogabadii Musharraxa, ayaa halkaa ka jeediyay hadal kooban, waxaanu yidhi, “ma joogno xilligii la cabanayey, waxa la soo gaadhay wakhtigii qof walba waxa uu Waddanka ku darsado uu heli lahaa. Gobollada bariga iyo Galbeedku ha joojiyaan cabashada, cid yaan la eedaynin, cid wax loo diidayaa ma jirto, ciddaan waxba dooran waxba fadhiga ku heli mayso.”
Musharrax Maxamed Cali oo sii hadlaya, ayaa sheegay, “Marxaladda Dalku marayo waynu arkaynaa, Qabyaaladdii oo Xadhkaha goosatay, Caddaalad daradii, Musuqmaasuqii, Shaqo la’aanta, Sicir bararka, dhibaatadii uu badatay, waxaas oo dhan waxa lagaga bixi karaa Isbeddel reer Somaliland u dhan yihiin.