“Musuqmaasuqa uu Xildhibaankaasi sheegay waxba kama jiraan, waayo?” Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Somaliland
Hargeysa, 21 March, 2016-(SDN/QJ) :– Guddoomiyihii Guddi-hoosaadka Ilaalinta Hantida Qaranka ee Golaha Wakiillada Somaliland Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi (OBAMA), ayaa Shir-guddoonka Golahaasi ugu baaqay inay si wada jir ah isku Casilaan, isagoo ku eedeeyay inay ku fashilmeen Shaqadii ay Ummadda u hayeen isla-markaana Golaha uu ka jiro Musuqmaasuq baahsan.
Xildhibaan OBAMA oo Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Somaliland Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) ka beddelay Guddida ilaalinta Hantida Qaranka Shalay, ka dib isku shaandheyn uu ku sameeyay Guddi-hoosaadyada Golahaasi, ayaa sheegay in Golaha Wakiillada uu faraha kula jiro musuqmaasuq baahsan, isagoo Tilmaamay in Shir-Guddoonka Goluhu Lacag dhan $ 150 kun oo dollar ku lunsadaan Shaqaale Caag-layaal ah oo jirin.
Xildhibaan OBAMA oo Doraad la hadlay Saxaafadda, ka dib markii la furay Kalfadhigii 30-aad ee Golahaasi, ayaa ugu horeyn soo bandhigay Waxqabadka Guddidiisa Muddadii uu Guddoomiyaha Guddida ilaalinta Hantida Qaranka, isagoo xusay inay soo diyaaariyeen War-bixin faahfaahsan oo ku saabsan Musuqmaasuqa Golaha ka jira, laakiin Guddoomiye Cirro oo ka baqay in dhukumantigaasi Shacabka gaadho uu isku-shaandheyn Deg-deg ah ku sameeyay Guddi-hoosaadyada Golaha isla-markaana isaga oo ahaa Guddoomiyaha Guddi-hoosaadka ilaalinta Hantida Qaranka u beddelay Guddida Arrimaha dibadda ee Golaha Wakiillada.
Xildhibaanka oo arrimahaa ka hadlaya, ayaa yidhi, “Intii uu Guddidani jiray waxaanu u yeedhnay 26 Hay’adood oo kala duwan oo ah Hay’adaha Xukuumadda mid kaliya oo na diiday oo tidhi iman maynana maanaan arag. Runtii waxaa la odhan karaa waxaa qayb kamid ah guulaha ugu waaweyn ee ay Xukuumaddani gaadhay waanan ku amaanayaa aniga oo ku hadlaya magaca Guddida ilaalinta iyo dabagalka Hantida Qaranka.”
Xildhibaanka oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Dhukumantigaa aad arkaysaan waa kii la rabay in berrito (Shalay) Golaha laga akhriyo waanu dhamaystiran yahay, balse waxaa la is-wediinayaa Golaha dhexdiisa musuqmaasuq ma ka ka jiraa, mise kama jiro?. Haa.. wuu ka jiraa Golahayaga Wakiillada dhexdiisa musuqmaasuq, waayo? waxaan Tusaale u soo qaadanayaa sanadihii ugu dambeeyey waxaa jira shaqaale fara badan oo la iska qoranayey oo ay shakhsiyaad gaar ahi iska qoranayeen waxaanay hadda Shaqaalahaasi gaadhayaan 116 qof. Markii ay Hay’adda Shaqaaluhu tidhi waa inaanu idinla eegnaa shaqaalihiina iyo sida aad ku qorataan oo aanu tirinaa, Golahayagu si cad buu u diiday waxaanay ku yidhaadeen annagu waxaannu nahay Hay’ad madax bannaan namana baadhi kartaan. Waxaannu soo jeedinayaa in dib u eegis lagu sameeyo Golahayaga oo la faaqido oo la baadho, waayo? Hay’adda Shaqaalaha iyo Hanti-dhowrka Qarankaba xil-baa ka saaran inuu baadhitaan ku sameeyo Golahan. Musuqmaasuqii Goluhu waxa uu Maanta marayaa inuu mid ka mid ah ku xigeennada Guddoomiyaha Golaha Wakiillada uu yidhaado Wiil uu dhalay qasab Golaha ha lagaga shaqaaleysiiyo markii ay Hay’addii ku Shaqada lahayd tidhi waxaanu ka qaadaynaa Imitixaan sida Dadka kaleba waxa uu ku yidhi ma baadhi kartaan oo waxaanu nahay Hay’ad idinka madax bannaan.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray, “Golaha waxa lagu samayn doonaa Baadhitaan, laakiin waxaan u soo jeedinayaa Saddexda Xubnood ee Shir-guddoonka Golaha Wakiilladu inay is-casilaan, maaddaama oo shaqaalihii Cabanayo, Shaqaale Caag-layaal ahi jiraan oo ay Lacagtii Ummadda loogu talo-galay oo ah $ 150.000 dollar halkan ku jirto (Shaqaale Caag-layaal ah lagu qaato). Waxaan u soo jeedinayaa in marka Guddoomiyuhu ka tagayo Golaha Wakiillada in labada ku-xigeenna aanay ka hadhin ee ay iscasilaan oo ay is-raacaan.”
Xildhibaan Maxamed Cali Xirsi, waxa uu sheegay inaanu ka mid noqon doonin Guddida loo beddelay ee arrimaha dibadda Golaha Wakiillada iyo Guddi kale midna, laakiin uu qaban doono shaqo adag oo Qaranka muhiim u ah.
Dhinaca kale, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiillada Somaliland Cabdirisaaq Siciid Ayaanle, ayaa isaguna Telefiishanka STAR u sheegay inaan waxba ka jirin eedaymaha musuqmaasuq ee Xildhibaan Obama u jeediyay Shir-Guddoonka, “Musuqmaasuqa uu Xildhibaankaasi sheegay waxba kama jiraan, waayo? Hay’ad ay soo dirtay UNDP oo qiimeysay Hay’adaha Dawladda Somaliland, Golahayaga waxa la siiyey Shahaadada Maamul-wanaagga, markaa wax musuqmaasuqa oo haba-yaraadee ka jiraa ma jiro Golahayaga Wakiillada.” Ayuu yidhi, Xoghayaha Guud ee Golaha Wakiilladu.