|

Musuq Maasuq Xeeladaysan oo ay la Yimadeen Wakiilka Somaliland Cali Adaan Cawaale Iyo Cabdale Saalim SSUK.

Jaahliyada Somaliland ee ku dhaqan wadanka uk ayaa canbareen aad iyo aad u weyn u soo jeediyey  gudidii qaban qaabada xafladii 18/may/13 ee London,iyaga oo ku eedeyey in ay ku kaceen musuq maasuq xeeladeysan oo aan hore loo arag ururada iyo xukuumada talada haysa  ayna sameeyen  labada masuul eek ala ah wakiilka Somaliland ee uk cali adan cawaale iyo cabdale saalim ssuk, oo masuul ka ahaa abaabulka xafladii 18/may ee dhacdey london.

Waxaad ku arkeyseen  mareegaha ama warbaahinta Somaliland cabashooyin ka soo baxaya dhaliyaradii abaabushey xafladii 18/may oo wakiilka Somaliland cali adaan cawaale iyo gudoomiyaha ssuk cabdale saalim ka cod sanaya in ay soo bandhigaan xisaab xidh buuxda lacagtii soo xarootey oo dhameed 26.500 .

Wakiilka somaliland cali adan cawaale oo war baahinta la hadlaya isaga oo dadka tusaya in ay lacagtii ka soo baxdey xafladii 18/may ay u direen xarumihii agoomaha ama darbijiifka hargeysa Somaliland iyaga oo wakiishey kuna hagaajiyey sheikh mohamed dirir in uu gaadhsiyo xarumaha,sababta uu falkan ugu kacey isaga oo is leh ceebtan iyo fadeexadan hadheysey  waad ka dhuuman kartaa.

Hadaba dadku waxaay is weydiinayaan intaanu dirin lacagta cali adan cawaale muxuu ula xisaabtami waayey dhalinyaradii xaflada soo abaabushey ee ilaa maalintii xafladu dhamaatey ilaa maanta ka codsaneyey intaan la dirin lacagta in la xisabiyo lacagtii kale halka ay ku baxdey in la helo.

Waxaa kale oo dadku la yaaban yihiin halkee ayuu marey gudoomiyihii xaflada loo xil sarey ee uu magacabey cali adan cawaale mr cabdale saalim ssuk ,waxaa meel walba taagan oo warqadaha qoraya oo sawirada ka soo baxaya mohamed omar taag oo  cabdale saalim uu abti ruma u yahay doonayana in uu ceebta uu ku jiro abtigii cabdale saalin daboolo.

 

Hadalku haduu mi yahay laba lagama dhigo dadweynaha reer uk waxaay idinka rabaan in aad cadeeysan lacagtii soo xarootey iyo halka ay martey intii kale marka laga reebo inta hargeysa loo direy,lacagtan dadka reer Somaliland ee ku nool uk oo dhan ayaa leh.

 

Hadaanu nahay jaahliyada Somaliland ee uk waxaan aad iyo aad uga xunahay niyad jabka ku dhacey dhalinyaradii doonayey in ay dalkooda iyo dadkooda ay wax wanaagsan u qabtaan ,waxaan leenahay xukuumada uu gadhwadeenka ka yahay ahmed mohamed silanyo arinkan foosha xun ee ka dhacey uk in aad sida ugu dhakhsaha badan wax uga qabataan si loo soo celiyo kalsoonidii dhalinyarada iyo shicib weynaha dhamantiisba.

 

Waxaan kale oo aan ka xunahay niyad jabkii ku dhacey caruurtii lagu soo lu gooyey xafladii 18/may ee uu cali adan cawaale ugu balan qaadey in qof waliba uu ka heleyo wax uu ku farxo caruurtuna wax ay ku ciyaaran  (family funday ama fun fair) la keenayo ,caruurtina ay waayeen wax ay ku ciyaaran hadana loo raaciyo lacagtii laga ururiyey in dhexda loo fadhisto ama la dhaco.

 

Haddii si dhakhso ah loo soo cadeen waayo halka ay lacagtii intii kale  martey waxaa dhici doonta in aanu ku mudaharadno xafiska wakiilka Somaliland.

 

Wariye

Abdiqadir Jilaane

udoode@hotmail.co.uk

 

Comments are closed