Musuq Maasuq Iyo Maamul Xumo Baahsan Oo Hadheeyay Wasaarada Beeraha J.S.L.
Aniga oo tixraacaya maqaalkeenii hore, oo aan si hordhac ah uga soo hadalay magacyada mashaariicda marin habawday, ladagaalanka goobaha neersariyga ee beeralayda dalka, nabaadguurinta dalaga iyo sobobaha ay u kordheen goobaha iclaajka, tahriibka dalka iyo ladagalanka horumarka oo ay intaba sal u tahay qaabka wasiir Geedoole u agaasimay oo aqoon, aqli iyo waayo aragnimoba ka fog, hadana inta aynaan guda galin mashaariicda la gacantogaaleeyay iyo halka ay mareen, in yar aan milicsano qaab maamulka Wasaarada Beeraha Somaliland.
Markasta marka aad maqasho maamul waxa si toos ah maskaxdaada ugu soo dhaca kala danbayn darajo shaqaaluhu kala leeyihiyo, hawlmaalmeed joogta u socota walaw shaqaalaha xirfadooda iyo shaqadoodu kala duwantahay, hadana si toos ah jaranjaradii maamul u maraysa, si ay u dheeli tirnaato.
Waxana ku hor imanaya jaantus sida sil silada isku dabayaal oo ku tusinaya sida loo kala sareeyo ama hooseeyo, qaabka wada xidhiidh, iyo sida shaqada loo kala leeyahay.
Tusaale:
- Executives (Wasiirka, Wasiir ku xigeenada, Agaasime Guud)
- Middle managers. (Agaasima waaxeedyada, Isuduwayaasha)
- Supervisors/Section leaders. (Madax Qaybeed.)
- Technical staffs. (Shaqaalaha xirfadyahanada ah /Dhamaan shaqaalaha Soohadhay oo dhan)
Sidaa ay u kala sareeyaan ayuu nidaamka maamula u kala saraynayaa, technical staffs-ka ayaa hawlmaalmeedka dibada soo eegaya, warbixinta ay soo qoraan waxay u gudbinayaan madax qaybeedka wuxuu u sii gudbinayaa agaasima waaxeedkisa, sidaa ayay ugu tagaysaa agaasimaha guud oo shaqaalaha madax u ah, dhamaan silsiladaa ma jirto afartaa habna wasaaradu malaha ee waa wasaarad afar qof oo kaliya ka shaqeeyaan, sida ay noo xaqiijiyeen ila wareedyo ku dhaw dhaw wasaarada.
- Wasiirka iyo Agaasimaha guud oo aan ahayn sharci in ay magaalada mar kawada baxaan ayaa iyagu ah kuwo si joogto ah u wada baxa fiilka sida aan markasta ka aragno shaashadaha saxaafada, waxayna jabiyeen qodobadan hoos ku xusan, iyo wada shaqayntii waaxyaha.
- Wasiirku waxa uu joojiyay shaqadii wasiirnimo ee xafiiska oo uu xidhay, wax shaqa ah oo ka socota xafiiskiisa ma jirto umana igmado ku xigeenkiisa, hadiiba uu furanyahayna waxa laguugu jawaabayaa magaalada ma joogo.
- Waxa uu jabiyay habkii maamul daadajinta hay’adaha dawlada.
- Waxa uu qabtay shaqadii xirfadyahanka wasarada beeruhu lahaa, oo wasiirku waxa uu isku diray shaqo aanu xirfadeeda aqoonteeda iyo waayo aragnimadeedaba lahay, isaga oo kaliya eegaya yoomiyaha $25 , shidaalka iyo isaga oo marka la kaxaysanayo lagu sasano TVgii ayaa nala socda si uu u soo dagdago.
- Wax warbixin ah oo uu ka qoray fielkii ma samayn, oo kii loosoo qori lahaa waa isaga, waxa uu ka booday oo uu dhamaan bilaa camal ka dhigay silsiladii maamul ee ay soo mari lahayd warbixintu, mana jirto wax warbixin ah oo u diyaarsan ama uu diyaariyay wasiir Geedoole intii xilka uu hayay, faylasha xafiiskiisa rasaysana waa kuwii uu kula wareegay xilka ee dawladihii Kulmiye ka horeeyay sameeyeen.
Qodobadaas aan sare ku soo sheegnay dhamaantood waa kuwo is hortaagaya, oo cadaw ku ah habsami u socodka xafiis ama hay’ad dawladeed, waana ta keentay in wasaarada Beeraha Somaliland noqoto mid markasta xafiisyadeedu xidhanyihiin, ama laash bilaa naakhuuda ah, oo dabayshu halkay u socoto uun u socda.
Balse , wasaarada beeraha ee dal cunto ka sugayaa maaha mid xataa u bilaabantahay sida loo maamulo xafiisyadeeda, qaabka maamul iyo silsilada taxan ee laysku hoosyimaado, isaga oo Wasiir Geedoole maraya sanadii Shanaad (5aad)wali muu fahmin waaxyaha wasaaradu u qaybsantahay iyo midwalba waajibaadkeeda ay dalka u hayso, dhamaantoodna waa fadhiid waaxyahaas, wasiirku isaga ayaa Agaasima ah, isaga ayaa isuduwe ah, isaga ayaa staff kii xirfadlaha ahaa ah, isaga ayaa waashmaan ah, dhamaanba si sharciga iyo qaanuunka maamul ee Qaranka Somaliland dhabarjab ku ah oo aan taariikhda la arkin ayuu u dhaqmaa, tusaale ahaan, halka siyaasada beeraha iyo waxsoosaarka dalka laga maamulaa waa xafiiska wasiirka, xafiiskaas todobaadkii 90% waa xidhanyahay wasiirka iyo agaasimuhu waxay isku raacaan fielka oo xataa midkood uma hadho si uu u sii qabto shaqada maalinlaha ah ee xafiisyada.
Maadaama oo xaajo sidaa tahay, ma odhankarnaa Wasiirka wasaarada beeruhu maaha mid fahansan macnaha Wasiir, Agaasime, Ag/Waaxeed iyo qiimaha dadka iyo dalka ay ugu fadhiyaan xafiisyada iyo mansabkan aan soo sheegnay, mana aha nin talada wasiirnimo iyo go’aankeedu gacanta ugu jirto, ee waa nin sidii la doono wax loogu qoro sidii la doonana loogu akhriyo oon waxna diidi karin waxna dooni karin maadaama oo aanu fahansanayn macnaha iyo qiimaha Wasaarad beereed qaran ugu fadhido, dal cuntadiisna laga sugayo, waana ayaandaro ku habsatay qarankeena, meelku dhacna ku ah nidaamka dawladeed ee dal leeyahay dadna wax ka sugayaan, runtiina wasaarada beeraha Somaliland waxay qofkasta oo muwaadin ah uga baahantahay hiil.
Akhriste waxaa inoo soo socda qormooyin badan oo aynu isudul tagayno musuqa indhala’aanta ah ee hantidii qaranka loogu badalay mid shaqsiyadeed oo illaa hada sii xoogaysanaysa iyo sida ayna cidna ugu maqnayn ceelna ugu qodnayn danyarta haadku boobaayo.
Lasoco………………………………………………………………………….