Musuq-Maasuqa Hadheeyey Mashaariicda Biyo Gelinta Caasimada Hargeiysa oo fooda usaaran in Dalaagkii Biyuhu uu ka huro Caasimada Hargeisa
Waxaa aduun gaadhaaya ilaa iyo $30 Million oo doolar ugu deeqdey Dawalada khalijku (UAE) dawalada Somaliland dhawaan si biyaha loo gaadhsiiyo shacab weynaha ooman ee reer Somaliland gaar ahaan shacabka caasimada Hargeisa iyo nawaaxigeeda degan.Taariikhdu markey aheyd 2011-kii ayaa iyana wadamada midowga yurub (EU) ay Somaliland u qoondeeyeen deeq lacageed oo gaadheysa $27.5 million taas oo iyana loo qoondeeyey in lagu horemariyo balaadhinta biyo gelinta afar (4) magaalo oo kala ah Hargeisa, Burco, Ceerigaabo iyo Togwajaale. Lacagtan badankeeda oo gaadheysa ilaa iyo boqolkiiba 74% oo noqoneysa $21.3 Million ayaa waxaa loo qoondeeyey fidinta iyo dayac tirka biyo gelinta caasimada Hargeisa kadib markii la arkey in dadka ku nool caasimadu ay kor udhaafeen hal milyan oo qof.Lacagtaa iyada ah waxaa la wadeydiinayaa wasiirka macdanta ee JSL oo markaa isagu ahaan jirey wasiirka macdanta iyo biyaha ee JSL.Waxaa kale oo iyana jirtey in aduun lacageed oo gaadhaaya ilaa $64 Million doolar ay EU ugu deeqdey JSL hayadaheeda kala duwan si loo fuliyo qorshe hawleedyadii higsiga qaranka ee ku taariikheysnaa in la gaadho 2012-2016 si loogu fuliyo 63 mashruuc oo ay ku jiraan 9 mashruuc oo ku kacaaya $8.5 million doolar oo iyagana lagu horemarinaayo biyo gelinta gobolada iyo Degmooyinka JSL oo ay caasimada Hargeisi ugu horeyso.Waxaa iyana jirta lacag gaadheysa ilaa iyo $28 Million oo loo qoondeeyey mashruuca dib uhabeynta iyo horumarinta Geed Deebleh oo iyadana lacagtaa laga hayo oo keliya dhawr ceel oo la cusbooneysiiyey oo la dhoobo qaadey.
Habada muwaadinow markaad isku wada darto lacagahaa aan kor kaga dhawaajiyey iyada oo aaney weliba ku jirin lacago kale oo biyaha JSL loogu deeqay sida lacagta ku jirta xisaabta/ khasnada Somaliland Trust Fund ayaa hadana waxa isku darka lacagahaasi uu gaadhayaa $ 115.3 Million doolar taas oo ah lacag aad iyo aad ubadan. waxaa keliya ee laga hayaa ilaa iyo hadana lacagtaa waa ceelashan hoose oo lagu qiimeeyey inta ku baxdey lacag aad u yar oo aan gaadheyn lacagtan rubuceed.
.
1-) 14 ceel oo waaweyn iyo 3 yar-yar oo aan wada cusbeyn ee qaar la dhoobo xaadhey oo Geed deeble ah
2-) 14 Ceel oo kuwa dheer ah iyo 9 kuwa yar yar ah oo laga qodey Gobolka Maroodi jeex
3-) Gobolka Togdheer 12 ceel oo dhaadheer iyo 17 kuwa yar yar ee dixda iyo togaga la qodo ah..
4-) Gobolka Saaxil 7 ceel iyo 17,kuwa yar yar ee togaga laga maaxiyo ah..
5-) Goboka Sool 4 dhaadher iyo 12 kuwa toga laga xaadho ah.
6-) Sanaag 6 ku dhaadheer iyo 13 kuwa yar yar ah ee biyo mareenada laga qodo ah.
7-) 13 ceel oo Gaa-gaaban oo laga qodey biyo fadhiisinka Xunbo weyne ee hada musuq maasugu ka bilaabmey.
Hadaba Su’aasha maskaxda saliimka ahi isweydiinayeso ayaa noqoneysa iyadoo aduunka inataa oo lacag ah iyo in kabadanba la inagu caawiyey si looga baxo baahida badan ee biyaha inaga haysata ayaan ilaa iyo hada wax la taaban karo aan laga qaban oo baahidii weli ka jirtaa goboladii iyo degmooyinkii dalka oo dhan.Waxaana nasiib daro haraad, surmi iyo oomanaan ummadu wada arkeysaa danyartii oo ooman oo wadooyinka caagado biyo loogu shubo la taagan iyo weliba caasimadii Hargeysa oo ay dameero iyo booyado kuyuu biyo ugu jiraan oo udhaaminayaan
Waxa aynu iyana ka wada dheregsanahay Asqo Xukunka wadanka hada ka jira iyo duulka casabada ah ee xukuumada shidhka hore ugu jira ee taladii waadanka maroorsadey kuwaas oo dhamaan wada ah ganacsato, shirkadley, sheerley,macaan jelcel ah kuwaas oo wax kasta oo anfac iyo iidaan leh kula soo ordayaa dalow iyo Suuf qalalan oo ay caadeysteen in ay daaha dabadiisa ka darsadaan, kadibna ay muudsadaan ama heemiyaanba iyaga oo ay mar walba ka go’antahay in ay dha-dhamo kasta ay dheecaan siintaan oo ay dherigii iidaan leh ee yara kara Somaliland ay dhinacooda ka soo kulaalaan oo ay fandhaalka ku laba xagaan oo ku nacasnimo xaquuqaan, hadii kalena ay ku odhanayaanba adeer sidii DR Macow boorsadaada ka laad-laadso meeshu anaga ayey noo xidhan tahay’e., Dab liqa ayaa la idinka yidhi !
Waxaa iyana taaba ka sii daran oo arin cusub ah oo shacabka reer Somaliland la wada yaabey Biyihii 13-ka Ceel ee Xumbo Weyne ee mudada dheer laga shaqeynaayey ee la isku raacay in sadex goobood laga dhiso haamaha keydka biyaha waraabindoona caasimada Hargeiysa ayaa duulkaa musu-maasuqa ku mamey ay doonayaan in ay goobihii hore loogu qoondeeyey keydka haamaha biyaha ee hore loogu heshiiyey in ay ka bedelaan goobihii hore si ay cid kale ay qandaraas ugu siiyaan oo ay lacag ugu lunsadaan.Taasna macnaheeda waxaa loo qaadan karaan si uu dagaal BIYOOD iyo colaad cusubi ay uga bilaabanto degaankaa Waqooyinga Gobolka Maroodi jeex ee ay beelaha walaalaha ihi ay wada degaan.
Waxaa Xukuumadan Siilanyo Maaxdumiyey duul Degel Meer ah, Deris ku nool ah oo uu xaalkoodii uu ku soo ururey maxaan cunaa ! kuwaas oo dheeftii,dha-dhankii iyo ilihii dhaqaalaha ee wadanka oo dhan nacasnimo dhiijiyey si qarsoodi ah,ku raad kugadasho iyo ku fooldhaqasho ah iyaga oo shirkado cusub usameystey ama shirkado hore ujirey kula dhuuqaaya oo kula gelaaya sheerer qarsoon oo weligood Jiri doona.Hadaba sheekadu waxay maanta mareysaa Soo saaristii biyihii caasimada Hargeiysa ee haraadku dishoodey. lacagtaa hada la isku haystaa waa lacagtaa Somaliland ay ugu deeqday dawlada Emaratka carabtu si biyaha caasimada loo dar dar geliyo oo looga haqabtiro shacabka haraadan waxaana hada cabsi weyn laga qabaa in colaadi ka bilaabanto gobihii ceelasha biyaha ee Xunbo weyne oo ah goobtii ilaahay biyaha dhigay ee waqooyiga Hargeisa, waxa si aan sharciga waafaqsaneyn qandaraas degamsan lagu qoondeeyey in lagu siiyey shirkado macmal ah oo hoosta ka lingaxan,iyada oo laga faaideysanaayo awooda dawladnimo ee la caadeystey in hantida lagu lunsado laguna boobo. Waana iyaga iyo Allahood !
Alleh ayaa Mahad iyo Mudnaanba Leh
Wehelkiin Waa Alleh iyo Nebi (scw)
Wa Laahum-Aclum Wa -Billahi-Towfiiq
Qalinkii A/rahman Fidhinle