|

Mustaqbalka Masar waxa u soo sidaa oo keliya cabsi

London 25.July (SDN) Wargayska Indepandent ee dalka ingiriiska ayaa baahiyey faallo uu mashaqada siyaasadeed ee dalka masar ka qoray qoraaga weyn ee u dhasha wadanka Bitain Mr Robert Fisk.

Qoraagu waxa uu ka deyriyey khasaaraha nafeed ee maalinba ta xigta soo gaadhaya dadka banaanbaxyada wada, iyadoo ay suurogal tahay inay jiraan dhinacyo weli u heelan inay khasaare hor leh gaystaan.

Indepandent waxa uu leeyahay markii la riday nadaamkii xusni mubaarak waxaa muuqanaysay rajo wanaagsan xilliganse nolosha bani’aadamku waxay noqotay mid qiimo jaban, rajada soo muuqataana waxay siddaa oo keliya cabsi iyo werwer.

( marka ay dhibaatadu noqoto wax joogto ah oo caadi ah sida wakhtigan Masar ka jirta waxaa suurogal ah in ay xitaa saxaafaddu iska dhaafto inay baahiso magacyada dadka waxyeeladu gaadhay, sidii dhacday todobaadkan markii afar nin iyo gabadh shan iyo Toban jir ah lagu dilay fagaaraha Nahda ee jaamacadda Qaahira oo ay ku sugan yihiin taageerayaasha madaxweynahii xukunka laga tuuray ee Maxamed Mursi.) sidaa waxaa lagu baahiyey wargayska Independant ee dalka Britain.

London SDN.

Qurbejoog.com

 

Comments are closed