Mustaqbalka Isbahaysiga Xisbiga Kulmiye ee La Muquuniyay Iyo Turxaan Bixintii KULMIYE Oo Rajo Gudhay noqotay
Hargaysa 23.Nov 2015 (SDN/QJ):- 12 Maalmood ayaa laga joogaa markii la soo gabo-gabeeyay shirkii Golaha dhexe ee xisbul xaakimka KULMIYE ee la soo gab0-gabeeyay 11-kii Bishan November, shirkaasi oo loogu doortay Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka u metali doona doorashadda lagu wado inay Somaliland ka qabsoonto Bisha March 2017.
Shirkaasi inkasta oo uu khilaafyo wejiyo kala duwan leh soo maray haddana waxa Murrashaxa madaxweynenimo ee xisbiga loo doortay Guddoomiye Md. Muuse Biixi Cabdi, halka Murrashaxa madaxweyne Ku-xigeenkana loo doortay Madaxweyne Ku-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici).
Xubnihii Shirkii 5-aad ee Golaha Dhexe Aan ka Qeyb-gelin
Waxa ugu weynaa xubnihii aan fooda gelin shirweynihii shanaad laba xubnood oo ka mid ah Hoggaanka xisbiga KULMIYE oo kala ahaa Guddoomiye Ku-xigeenka labaad Maxamed Yuusuf Waabeeyo iyo Guddoomiye Ku-xigeenka saddexaad Xildhibaan Cabdiraxmaan Talyanle. waxa iyaguna ugu muhiimsanaa labadda Guddoomiye Ku-xigeen ee Golaha Wakiiladda Baashe Maxamed Faarax iyo Dr. Cali Yuusuf Axmed.
Waxa kale oo iyaguna qaadacay afar murrashax oo kala ahaa Maxamed Biixi Yoonis, Xildhibaan Axmed Cabdi Kijaandhe, Cabdicasiis Maxamed Samaalle iyo Faarax Cilmi Maxamuud (Geedoolle). iyaguna waxaan midina soo gelin tobaneeye ka mid ah Wasiirradii iyo masuuliyiintii is casilay.
Maxaa Qabsoomay shirkii ka dib
Inkasta oo Guddoomiyaha iyo Murrashaxa madaxweynaha xisbul xaakimka KULMIYE dhawr jeer fagaareyaal ka sheegay in hawsha ugu horeysa ee uu qabanayaa ay tahay sidii uu xubnihii xisbiga ka maqnaa uu uga shaqeyn lahaa inuu heshiis la gaadho. haddana illaa imika sida ilo war-galeen ahi Xaqiijiyeen ma jiro wax dedaalo ah oo ka socda KULMIYE oo dib loogu dhayayo xanaftii ka dhalatay shirkii Golaha dhexe. waxaana gabi ahaanba yar fursadda wada hadal lagu dhameyn karo in xubnaha xisbiga wali dibada ka joogaa ay dib ula midoobaan xisbigoodii.
Hadaladii Guddoomiyaha KULMIYE ku balan-qaadayay inuu juhdi gelinayo dib ula heshiiyo xubnaha culus ee xisbiga ka maqan, ayaa noqday qaar shir kaga kac ah.
“Waxa aan halkan baaq uga dirayaa mujtamaca Jamhuuriyadda Somaliland, gaar ahaan bah-weynta KULMIYE, siiba saaxiibadaydii cadhada kooban nooga maqnaa maalmahan dambe. Waxa aan leeyahay wada-jirka iyo is-kaashiga ayaa horseedi kara horumar Xisbi.Xisbiga KULMIYE waa Xisbigiinii, waa Xisbi qaran oo xoog badan, oo dhismay oo ku taabo galay tacab kiinii, Khilaafku waa sunaha siyaasada waxaanu la socdaa nolosha aadamaha guushu se waxay ku jirtaa xalinta khilaafka sidaa darteed waxaan soo jeedinayaa in aynu isu nimaadno ka wada hadalo wixii jira kana heshiino, ku soo dhawaada Xisbigiinii oo idin jecel,”ayaa ka mid ahaa balan-qaadyadii Murrashax Muuse Biixi.
Sidoo kale Xubnaha la baxay isbahaysiga dimuqraadiga ah ee KULMIYE, ayaa iyaguna maalmihii ugu dambeeyay xarakaadkoodu yaraaday, waxase la sheegay inay wadaan wada tashiyo ay kaga arrinsanayaan tallaabada ay kaga taageeradooda ugala guurayaan xisbiga KULMIYE oo sida la sheegay ay adag tahay sida ay dib miis ugula soo fadhiistaan garabka Muuse Biixi Hoggaaminayo.