Muslimiinta Nigeria oo tab cusub kula dagaalamaya furitaanka
Kano Dec 21,2013(SDN)-Muslimiinta dalka Nigeriya ayaa la soo baxay tabo dalkaa ku cusub oo ay kaga hortagayaan furitaanka lamaanaha oo dalkaasi kor u kac balaarani uu ku yimi sanadihii u danbeeyay.
Guddi ay magaalada Kano u xil saartay dhaqan gelinta Shareecada Islamka ayaa todobaadkan isu meherisay ilaa 1,111 lamaane.
Guddida ayaa sheegtay in furiinku keenay koror ku yimi cabida khamriga iyo fawaaxishta kale ee bulshada bur burisa.
Dawlada Gobolka ayaa haweenka la guursaday siiyay ilaa $65 dollar iyo qaar ka mida alaabo macauuna halka ragana la siiyay Khamiisyo.
Gobolada muslimiinta ku nool yihiin ee dalka Nigeriya ayaa sanadihii u danbeeyay waxa ay hoy u noqdeen colaad diimeedyo.
SDN-Kano
contact@somalidiasporanews.com