|

Muslimiinta Mombasa Oo Ka Gadooday Boolis Masaajid Galay Iyo Wararkii Ugu Dambeeyey ee Rabshado Halkaas Ka Bilaabmay

Mombassa:Feb-03-2014(SDN)-Magaalo-xeebeedda Mombassa ee Dalka Kenya, waxa  xalay ka Dhacay Rabshado ka Dhashay Ciidanka Booliska oo gudaha u  galay Masjid Halkaas ku Yaalla oo ay Sheegeen inuu ku Jiro Qof ay ku tilmaameen Mintid.

Qarax_Mombasa_1Tallaabadaas Ciidanku qaadeen ayaa waxaa ka dhashay Banaanbax rabshado wata oo ay dhigeen dadkii Muslimiinta ee ku sugnaa Monbasa,Boliiska ayaa dadka bananbaxayaasha u isticmaalayay Sunta dadka ka ilmaysiisa,waxaana,wararka qaar ay sheegayaan in dad dhaawac soo gaadhay ay jiraan.

 

Laba wadaad oo ka wacdiya masaajidka Mussa ayaa bilihii ugu danbeeyay ay dileen niman hubaysan, waxana ay taasi keentay in dadka Muslmiinta ah ee Halkaas ku Nooli si weyn uga soo Horseestaan dhacdadaas.

 

Boliiska Kenya ayaa Masjidka ay weerarka ku qaadeen ku eedeeyay in lagu qoro dhalinyaro xidhiidh la leh Kooxihii weerarka ku qaaday Westgate Mall.

 

“ Waxay soo weerareen Masaajidka aan ku sugneyn,laakiin laakiin ma aysan ku guuleysanm Hamigooda,” Hal dhalinyaro ayaa la toogtay oo taagnaa darbi masjidka ka danbeeyay, Jihadkana sidiisa ayuu ku sii socon doonaa”  ayuu yidhi mid ka mid ah dadkii Masjidka ku sugnaa oo la hadlay Reuters.

 

Taliyaha Boliiska Manbasa Robert Kitur, ayaa sheegay in weerarka uu noqon doono mid sii socdo,isagoona tilmaamay in Saraakiil ka tirsan Boliiskiisa weerar ay ku qaadeen Masjidka Muse halkaasi uu sheegay in Wadaada khudbado dhalinyarada kicinaya ay ka jeediyaan.

 

S.D.N.

Contact@somalidiasporanews.com

Comments are closed