Musigii Astaanta Qaranka ee Warka Idaacada iyo Telefishanka Qaranka oo la Bedelay iyo Sababaha Keenay
Hargaysa 12.Jan (SDN/QJ)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta JSL Md Cabdilaahi Maxamed Daahir (Cukuse) ayaa Dikreeto Wasiir ku dhaqangeliyey Bedelaadda Astaanta Warka ee Warbaahinta Dawladda.
Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta,Dhaqanka iyo Wacyigelinta Mudane C.laahi Maxamed Daahir “Cukuse” ayaa ka hor intii aanu soo saarin wareegtadiisa waxa uu la tashi balaadhan la sameeyey Madaxda kale ee wasaaradda iyo Khubarada Saxaafadeed ee ka tirsan shaqaalaha wasaaradda isla markaana gudi ka Kooban Madaxda Waaxaha Kala Duwan ee Wasaaradda Warfaafinta oo ay ka dhex Muuqdeen Waaxda Dhaqanka u Xilsaaray inay Keenaan Astaan cusub oo uu yeelan doonto warka Idaacada iyo Telefishanka Qaranka kadib markii dhamaan dhinacyadani isku raaceen in Astaantii hore ay noqotay Mid ay adeegsadaan Warbaahinta Dawlada aynu deriska nahay ee Somalia taa darteedna aan Jamhuuriyadda Somaliland isticmaali karin astaan ay isticmaalaan warbaahinta Soomaaliya.