|

Mushkilada ay Dooxyadu ku hayaan Shacabka Somaliland iyo Sida ay Gaadiidka iyo Dadkaba u Qaadaan DAAWO Muuqaalkan

Hargaysa 25.March 2015 (SDN/QJ)- Waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaallo muujinaya dhibaatooyinka ka taagan Dooxyada Dacar-budhuq ee degmada Laas-geel ee gobolka Maroodi-jeex oo u dhexaysa magaalooyinka Berbera iyo Hargeysa, kuwaasoo Xilliyada Roobabku curtaan Dad iyo Gaadiid-ba qaada, Daadad badan oo ka rogmada Dooxyadaas.

Dad badan ayay galaafteen oo Saacaddu ka dhammaatay, isla markaana Allaah sabab uga soo dhigay inay qaadaan Dooxyadaasi oo ay halkaas ku naf-waayaan, kuwo kale oo badanna waa laga badbaadiyaa sannad kasta, waxaa xilli Roobaadkan ugu dambeeyey dadkii laga badbaadiyey Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame (Hadraawi), Xaaskiisa iyo Nin Gaadhiga u waday, ka dib markii uu Isniintii la tagay Gaadhiga ay wateen Dooxa Dacar-budhuq oo gebiyada maraya, kaasoo qallibay Gaadhiga ay saarnaayeen oo Laan-garuusal ahaa, balse Dadka deegaanku u gurmadeen oo ay ka badbaadiyeen.

Haddaba, dhibaatada Halista Dooxyada xilli-roobaadka oo aan dadka inta badan ka qarsoonayn marar badanna Warbaahintu warar ku saabsan faafisay, waxaannu halkan idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalladii ugu dambeeyey ee laga soo qaado Dooxa Dacar-budhuq waqti-roobaadkan isagoo Dad sita ee ka Daawo halkan hoose:-

 

 

Comments are closed