|

Musharraxa Isbaheysiga Mucaaradka Jabuuti Oo Ka Hadlay Xafiis Xisbiga RPP Ka Furtay Hargeysa, Kana Digay In Ismaaciil Cumar Geelle Looga Codeeyo Dalal Somaliland Ku Jirto DAAWO

Jabuuti, 28 March, 2016-(SDN/QJ): – Musharraxa Isbaheysiga Mucaaradka Jabuuti Cumar Cilmi Kheyre, ayaa ka digay in Dad aan Jabuuti u dhalan oo ku dhaqan Magaalooyinka Hargeysa, Boorama iyo Xamar ka qayb-qaataan doorashada Madaxtooyada Jabuuti oo dhawaan dhaceysa.

 

jabuuti iyo Ololaha doorashadaMusharraxa Isbaheysiga Mucaaradku wuxuu sheegay in Magaalada Boorama looga diyaar-garoobayo sidii loogaga codeyn lahaa Ismaaciil Cumar Geelle, halka buu yidhi Hargeysa laga furay Xafiis uu leeyahay Xisbiga RPP oo Madaxweyne Ismaaciil Cumar Musharrax u yahay, lana doonayo in Hargeysa looga codeeyo xilliga doorashada, waxaanu xusay in taasi faro-gelin ku tahay Dalka Jabuuti iyo Shacabkiisa, sidaa daraadeedna uu ka digayo.

 

Musharraxa Isbaheysiga Mucaaradka Jabuuti ee Magaciisa loo soo gaabiyo USN oo 25-kii bishan Taageerayaal badan kula hadlayey Xaafadda Xayaableey, ayaa tilmaamay in Shacabka Reer Jabuuti aanay gacantooda ku jirin Dawladnimadoodu isla-markaana la doonayo in Qoxootiga ka soo qaxay Yemen ee ku dhaqan deegaanka Ubukh ee Jabuuti ka qayb-qaataan Doorashada isla-markaana u codeeyaan Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, taasina ka dhigan tahay inaan Ismaaciil Cod uga baahnayn Muwaadiniinta Jabuuti.

 

“Dawladnimada Jabuuti kuma jirto Gacanta Shacabka Jabuuti ee Gacmo kale ayay ku jirtaa, markaa waxa ugu horeeya ee aynu Qabaneynaa waa in Dawladnimadeena aynu Gacanteenna ku soo celino.” Ayuu yidhi, Musharrax Cumar Cilmi Kheyre, waxaanu intaa ku daray, “Waxaad arkeysaan Qoxootiga Yemen ka yimid ee Ubukh deggan oo  Ismaaciil Cumar Geelle olole u samaynaya.”

 

Musharraxa oo hadalkiisa sii wata, ayaa sheegay, “Dawladaha jaarkeenna ayaa Ismaaciil Cumar dooranaya, Innaga doorasho inagama rabo Ismaaciil, Boorama ka bilow, Hargeysa waxa laga furay Xafiis uu Xisbiga RPP leeyahay, halkaasaa Ismaaciil laga dooranayaa sow maaha?. Aaway Siyaasaddeenii marka Ismaaciil laga dooranayo Boorama innagu maxaynu qabaneynaa?. .” ayuu yidhi, waxaanu intaa sii raaciyey, “Xamar waxa lagu qabtay Shir weyn oo Ismaaciil Cumar baa laga dooranayaa, Shirka Xamar lagu qabtey waxa ka hadlayey Nin aan aqaanno oo Generaal Ciidan ahaan jiray oo la yidhaahdo Cabdillaahi ilka-jiir, Cabdillaahi wuxuu yidhi Sanaaduuqda Codka lagu ridayo noo soo dira Gobollada ayaanu u kala direynaa oo waanu ku soo codeynaynaaye. Dadkii Dalkan Jabuuti lahaa aawey, xaggeynu tagnay, miyaan la ina ixtiraameyn, maxaa la inoo ixtiiraami waayay.? Ilka-jiir waxaan leeyahay Laasqorey baad ka codeyn ee halkan u codeyn maysid, Nin kasta oo Xornimadeenna ku xad-gudba waa inaynu u jawaabno. Ciddii hadal qaadda Doorashooyinka Jabuuti Lugaha ayay Dhooqo la geli, Dawlad-baanu nahay, Dad-bay leedahay Jabuuti, waxaan leeyahay Walaalayaal aynu is-ixtiraanno, Ama Soomaaliya ha joogo ama Boorama ha joogee.”

Comments are closed