Musharrax Cirro oo Faahfaahiyey Kulan Ashkato iyo Xog-warran ah oo uu Madaxweyne Siilaanyo Maanta la yeeshay
Hargaysa 07. May 2017 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Golaha Wakiillada ahna Musharraxa jagada Madaxweynaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) iyo Guddoomiyaha Ku-meel-gaadhka ah ee Xisbigaas Xildhibaan Cabdiqaadir Jirde, ayaa Madaxweyne Axmed-Siilaanyo kulan kula yeeshay Xarunta Madaxtooyada Sabtidii Maanta, isla markaana waxay kala hadleen Culaysyo Xukuumaddu ku hayso Xisbiga Waddani iyo Masuuliyiintiisa, arrimaha doorashooyinka iyo in si dhaw looga wada socdo hawlaha la xidhiidha.
Musharrax Cabdiraxmaan-Cirro oo markii ay kulankaas ka soo baxeen Warbaahinta qaarkeed la hadlay, ayaa sheegay in Kulanka ay Madaxweynaha Somaliland la yeesheen iyaga oo Hoggaanka Waddani ah, Farriin Xisbigu ka wada-tashaday oo ku go’aamiyey in Madaxweynaha la gaadhsiiyana ay gaadhsiiyeen.
Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu sheegay in Madaxweynaha ay kala hadleen in wakhtigan loo baahan yahay in la joogteeyo wada-tashiyada la xidhiidha hawlaha u diyaar-garawga doorashada Madaxtooyada iyo sidii aanay wakhtiga loo qabtay ee 13-ka bisha 11-aad ee 2017-ka dib uga dhicin ee ay xilligaas ku qabsoonto.
Waxa uu Cabdiraxmaan-Cirro sheegay in ay Cabashada Xisbigu qabo ee la xidhiidha Culaysyada siyaasadeed iyo Cadaadiska ay Xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo ku hayso Masuuliyiinta Waddani, waxaanu intaas ku daray inay Madaxweynaha kala hadleen laba Masuul oo Xisbiga Waddani ka tirsan oo muddo bil ku siman ku xidhan Hargeysa oo markii saddexaad Maanta Maxkamadda la hor-keenay.