|

Musharaxiinta Madaxweyne Qaarkood oo bilaabay in ay Isbaheysi sameestaan kadib markii Xaalka ku xumaaday

Muqdisho 29. December 2016 (SDN/QJ):- Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa bilaabay in isbaheysi ay sameestaan si ay tartan adag ula galaan Madaxweyne Xasan Sherekh Maxamuud oo mar kale u tartamaya in kursigaasi kusoo laabto.

Musharaxiinta Qaarkood ayaa hada bilaabay in damacooda ay hoos u dhigaan ayna isbaheysi la noqdaan Musharaxiin kale ay is leeyihiin miisaan ayey leeyihiin, waxa ayna Musharaxiinta ku kulmaan Hoteelo iyo Guryo gaar ah oo uga kireesan magaalada Muqdisho.

Sida aan Wararka ku heleyno Musharaxiinta qaarkood ayaa lacagtii ay ugu tala galeen ololahooda ka dhamaatay, waxa ayna hada bilabaeen in ay kula sheeraan Musharaxiin kale xildhibaanada siyaasad ahaan taageersan si ay ugu bedeshaan lacag ama mansab siyaasadeed.

Qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne ayaa la filayaa in ay shaaciyaan in ay ka hareen doorashada , halka kuwa kalana ay raadinayaan fursad ay uga hari karaan oo mar marsiiya u noqota in ay ka baxeen hankoodii ahaa in Madxaweyne ka noqdaan Jamhuuriyada Soomaaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si weyn loo saadaalinaya ain uu mar kale kusoo baxo doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, waxa uuna heestaa Madaxweynaha taageerada inta badan Xildhibaanada labada Aqal.

Magaalada Muqdisho waxaa hada ka socda olole xoogan ay wadaan Musharaxiinta u taagan xilka Madaxweynaha Soomaaliya gaar ahaan Musharaxiinta miisaanka leh ayaa la dareemayaa ololahooda, waxaana la filayaa in maalmaha soo socda sii xoogeesto ololaha iyo kala xod xodashada Xildhibaanada Cusub.

Comments are closed