Musharaxiinta Madaxweyne Iyo Ku Xigeen ee Xisbiga Kulmiye Oo Socdaal Hawleed Borama Ku Tagay & Balanqaadyo Iska hor Imanaya oo ay Bulshada u Qadimeen DAAWO
Boorama 12. December 2016 (SDN/QJ):- Shacabka reer Awdal, ayaa si Balaadhan u soo dhaweeyey wefti ballaadhan oo ay horkacayaan Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo socdaal ku tagay Gobolka.
Gudoomiye Muuse Biixi ayaa Sheegay in Xisbi ahaan Shanta Sanno ee Soo Socota ay ku dadaali doonaan Hoos u dhigida Qabyaalada.
Halka Madaxweyne Ku Xigeenku uu Sheegay in Hadii Codka la siiyo ay Wax ka bedeli doonaan Ciyaaraha oo isu Rogay Qabyaalad Waxayna dad badani is weydiinayaan Sababta ka hor taagan hada inuu fuliyo qodobkaas Maadaama uu Yahay Madaxweyne ku xigeenkii Somaliland.