Musharaxiinta Madaxweyne ee Somalia oo Qaar ka Mid ah ay Dhaqaale Daro la Soo Deristay & Rajadooda Mustaqbal oo Mugdi Gashay
Muqdisho 21. December 2016 (SDN/QJ):- Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaan la ogeyn ilaa hada xiliga rasmiga ah ay dhaceyso, waxaana marar badan dib u dhacyo ay ku yimaadeen waqtiyo kala duwan oo loo asteeyay in ay dhacayaan Doorashada Gudoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.
Musharaxiin badan ayaa isku soo taagay Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya, Musharaxiinta qaarkood ayaaba mar hore bilaabay ololahooda doorashada iyagoo moodayay in doorashada ku dhaceyso waqtigii horey loogu asteeyay ee bishii Sideedaad ee Sannadkan.
Qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya oo ololahooda mar hore bilaabay waxaa hada ka dhamaaday inta badan lacagtii ay ugu tala galeen ololahooda doorashada, waxa ayna Mudsharaxiinta qaarkood bilaabeen in Muqdisho ay ka tagaan. Wadamo kalana ay saldhigtaan.
Musharaxiinta Madaxweynaha Soomaaliya ayaa qaar badan oo kamid ah waxa ay xarumo ololahooda kawadaan ka sameesteen magaalada Muqdisho, waxaana maalmihii hore xarumahaasi ahaayeen kuwa aad loo buux dhaafinayay oo mashquul badan hasa ahaatee hada waxa ay noqdeen kuwa haawanaya oon la isku salaamin.
Dad badan oo shaqooyinkii ay ku jireen fasaxyo uga soo qaatay in ay u ololeenayaan Musharaxiinta qaarkood ayaa dib ugu laabtay shaqadooda, kadib markii lacagaha ka dhamaadeen Musharaxintii ay u ololeenayay sidoo kale uu gabis ku yimid ololihii uu waday Musharaxooda.
Qaar kamid ah Musharaxiinta Madaxweyne uu heesto culees dhaqaale iyo mid siyaasadeed ayaa qorshenaya in ay damacooda ka tanaasulaan, halka Musharaxiin kalana iyaga oon shaacin in ay tanaasuleen ay si hoose uga harayaan tartanka doorashada, waxaa sidoo kale jira Mushraxiin kale oo iyana raadinaya mar marsiiyo ay doorashada uga haraan.
Dadka Siyaasada odorasa ayaa aaminsan in Musharaxiin badan ay waqti lumis ku jiraan ayna waxba ka heleyn tartanka kursiga Madaxtooyada yaala loogu jiro, waxaana kursigaasi loo saadaalinayaa sadex qof un midkood uu ku jiro Madaxweynaha Waqtigiisa uu dhamaaday in ay kusoo bixi doonaan.
Musharaxiinta Madaxweyne qaarkood ayaa iyana la ogaaday in Musharaxnimadooda aysan daacad ka aheyn balse ku doonayaan gor gortan siyaasadeed iyo in ay xilal ka helaan Dowlada cusub ee lasoo dhishayo.
Doorashada Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa in ay dhacdo Bisha Janaayo ee sanadka cusub, inkastoo ay hadana suurto gal tahay in ay doorashada dib usii dhacdo maadaama uusan jirin jadwal la isku haleyn karo oo ku aadan xilig ay dhacayaan Doorsahada Gudoonka Baarlamaanka iyo tan Madaxweynaha.