Musharaxiinta Madaxweyne ee Somalia oo Ka Hor Yimid Go’aanka Guddida Doorashadu Ku Joojiyeen Doodii ay Ka Hor Jeedin lahaayeen Golaha Baarlamanka DHAGAYSO
Muqdisho 01. February 2017 (SDN/QJ):-Qaar kamid ah Musharaxiinta u taagan qabasha Xilka Madaxweynaha Soomaaliya ayaa waxa ay ka horyimaadeeyn go.aankii shalay ay soo saarayn gudiga qaban qaabada Doorashada Madaxweynaha kaas oo ay ku joojiyeen Doodii loo qaban la haa musharaxiinta .
Musharaxiinta oo ku kulmay magaalada Muqdisho go.aanka gudiga qaban qaabada doorashada Madaxweynaha Soomaaliya kadib ayaa waxa ay sheegayn in gudiga Doorashada madaxweynaha Soomaaliya uusan awood u laheeyn in ay joojiyaan Dooda Mushaeaxiinta u taagaan qabashada Dilka madaxweynaha 4 sano ee soo socota.
Golaha musharaxiinta is badal doonka shalay ku kulmay magaalada muqdisho ayaa waxa ay soo saaray qodabo dhoor ah oo ku aadan joojinta dooda musharaxiinta ay maanta joojiyeen gudiga doorashada madaxweynaha soomaaliya.
Dhankale Musharaxiinta ayaa qodabada ay soo saareeyn waxaa kamid ah in dooda musharaxiinta ay joojin karaan oo kaliya Baarlaman Soomaaliya .