Musharaxa Madaxweyne ee Xisbiga UCID oo ka hadlay xaalada Xisbigooda
Hargeysa sept 12,2013(SDN)-Musharaxa xisbiga mucaaridka ah ee UCID Jamaal Cali Xuseen ayaa markii u horeesay khilaaf la baahiyay in uu u dhexeeyo madaxda sare ee xisbiga mucaridka ah ee UCID.
Musharaxa madaxweyne ee xisbiga UCID ayaa sidan ku sheegay wareysi uu siiyay jariirada Jamhuuriya ee Hargeysa ka soo baxa ayaa sheegay”“Horta annagu sida KULMIYE oo kale ma nihin oo iskuma haysanno jagooyin iyo xilal, la iskumana haysto yaa guddoomiye noqonaya iyo yaa murrashax noqonaya, taasna xisbiga UCID qallaylka ayuu ku kala qaybsaday oo intii aan doorashaba la gelin ayaannu sii dhammaysannay, golahayagii dhexena ansixiyey, hay’adihii ku shaqada lahaana loo wada gudbiyey.
Wax khilaaf ah xisbiga UCID kama dhex taagna, laakiin fikradihii xisbiga sidii loo gudbin lahaa ayaa laga yaabaa in fikrado kala jaad ah meesha yimaaddaan, taasina waxay muujinaysaa in xisbigu yahay meel arrin ka socdo oo talada la rog-rogo, waxaanad mooddaa in nalaga dhex faa’iidaysanayo oo dad kaloo dano kale leh naga faa’iidaysanayaan. Mar walba ay noo soo farogelinayaan sidii xisbigayaga la isugu dhufan lahaa, taasna waannu ka feejignaan doonnaa, waxaanan jecelnahay in toddobaadka soo socda annaga oo isku duuban aannu waxayagii iyo shaqadii xisbiga dadka u soo bandhigno si meesha looga saaro in wax khilaaf ah ka dhex jiro UCID,” ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.
SDN-Hargeysa
contact@somalidiasporanews.com