|

Musharaxa Madaxwayne ee Xisbiga Kulmiye oo ka Hadlay Shirka Madasha Wadatashiga ee Dawlada Federaalka Somaliya uga Socday Muqdisho DAAWO

Hargaysa 14.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Ahna Musharaxa Madaxwayne ee Xisbigaas Muuse Biixi Cabdi, ayaa ka hadlay shirka madasha wadatashiga ee maamulka Goboleedyada Somaliya uga Socday Magaalada Muqdisho.

Muuse BiixiMusharax Muuse Biixi waxaa uu sheegay inaanay jirin midow ay mar dambe iskugu imanayaan Somaliya iyo Somaliland, balse loo baahanyahay sidii loo noqon lahaa laba dalka oo jaar ah islamarkaana mid waliba dhinaciisa ugu adeegi lahaa bulshada uu maamulo.

Guddoomiyaha KULMIYE oo ka hadlaya arrinta Soomaaliya, waxa uu yidhi; “Maalmahan waxaynu maqlaynay qolada Muqdisho oo gardarrooyin aan geedna loogu soo gabban Somaliland ula badheedhaya, waxaynu maqlaynay Shir wada-tashi oo Xamar lagu leeyay oo lagu soo qaaday in Somaliland qayb laga siiyo. Horta, waxaannu leenahay dadku inay ku dhaqmaan waxyaabaha waaqiciga ah ee taagan, Haddii Somaliland iyo Somaliya beri wax wada yeesheen wada tashigaasi waa dumey, qollada Xamar ku shiraysa waxaanu leenahay waxaa dumiyay midowgaad daydayaysaan talladii 1969kii Xamar lagu galay ee sidaad ogeydeen wax u qaybiseen” ayuu yidhi Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlayay munaasibad xadhiga lagaga jarayay waddo isku xidha Kalabaydh iyo Dilla.

Waxaanu intaas ku ladhay; “Annagu maanta waxaannu  ujeednaa dalkayaga inaannu dhisno, waxaannu u jeednaa inaannu Cusbitaalladayada iyo Iskuulladayada dhisanno, waxaannu u jeednaa oo wer-wer iyo walaac nagu haysa oo maskaxdayada ku jirta sideed Dhalinyaradiinna u shaqaalaysiisaan. Uma jeedno maanta inaynu is-qabqabsanno oo aynu isku buuqno, uma jeedno maalin walba gef soo jeeda inaynu ka wadahadalno, markaa walaalladayo waxaannu leenahay Illaahay idinkana dhibka ha idinka dul-qaado, dalkiinna dhista, kaayaga ayaannu dhisanaynaaye, dad deris ah oo walaalo ah oo laba raas ah aynu ahaanno.”

Musharaxa madaxwayne ee xisbiga Kulmiye waxaa kale oo uu sheegay in la dhageysanayo cabashada kasoo yeedhay shacabka degan gobolada Galbeedka Somaliland, taasi oo ku saabsan saami qaybsiga Kuraasta Golaha wakiilada Somaliland.

Shirkii madashada wada tashiga ee dawlada federaalka Somaliya ayaa waxaa ku jiray sidii doorashada baarlamaanka ay uga qayb gali lahayd Somaliland, kuwaasi oo xubno Somaliland ka mid ahi ka baxeen shirkaasi kadib markii ay sheegeen inay waayeen saami qaybsigii ay ku lahaayeen maamulka Federaalka Somaliya.

Somaliland oo sanadkii 1991kii ku dhawaaqday inay ka go’day Somaliya ayaa waxaa inta badan soo noqnoqda qorshe ay dawlada Somaliya uga qayb galinayso doorashooyinka lagu qabanayo Muqdisho iyadoo samaysa xubno maqaar saara oo matalaya Somaliland.

Hadaba Hadal Garnaqsi, Dood, Wax-sheeg, Kaftan iyo Faanba isugu jira oo uu Musharrax Muuse Biixi Cabdi ka jeediyey Xafladdaas iyo dhinacyada uu ku taabtay-ba, waxaannu idiinku soo gudbinaynaa Muuqaalkan hoose ee Daawasho wacan oo wanaagsan:-

Comments are closed