|

Musharaxa Golaha Baarlamaanka Dr.Maxamed Xassan Finnad Oo Kulan La Qaatay Dhalinyarada Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge Ee Magaalada Hargeysa SAWIRRO

Hargeysa,4Jan,2015(QJ/SDN)-Munaasibad ballaadhan oo ay kasoo qayb-galeen Aqoonyahanka iyo dhalinyarada Degmooyinka Maxamuud Haybe iyo Maxamed Mooge ayaa caawa lagu qabtay Hotel Baane ee magaalada Hargeysa, taas oo ay ujeedadeedu ahayd in dhalinyarada iyo Bulshada Degmooyinkaas lagu dhiiri galiyo Qaadashada Kaadhka Codbixinta iyo Ka Muwaadinkaba.

Kulanka Munaasibadan oo uu soo qaban-qaabiyay Murashaxa Golaha Baarlamaanka Somaliland Aqoonyahan/Dr.Maxamed Xassan Xaashi (Finnad), ayaa waxa uu murashaxu dhalinyarada ku wacyi-galiyay inay ka qayb-qaataan ololaha wacyi-gelinta ee qaadashada Khaadhadka codbixinta iyo muwaadinka.

Ugu horreyn, waxa halkaasi ka hadlay Cali Axmed Maygaag oo ka mid ah Haldoorka iyo aqoonyahanka Somaliland , isagoona dhalinyaradii Halkaasi iskugu timid ku dhiiri galiyay inay si wayn uga qayb-qaataan diiwaangalinta iyo codbixinta doorashooyinka soo socda ee dalka ka dhici doona.

Waxa isna halkaasi ka hadlay, Cismaan Xasan Daahir oo ka mid ahaa dhalinyaradii aqoonyahanka ahaa ee kulankaasi kasoo qayb-galay isagoona isna dhalinyarada usoo jeediyay hadal waano iyo dhiiri galin iskugu jira.

Sidoo kale, waxa hadalka iskaga daba maray qaar ka mid ah dhalinyaradii kulankaasi kasoo qayb-gashay, iyagoona halkaasi ka sheegay inay taageero mug weyn u hayaan murashaxa jagada Golaha Baarlamaanka Somaliland ee doorashada soo socota.

Ugu danbeyntii,  Murashax Aqoonyahan/Dr, Maxamed Xassan Xaashi (Finnad) ayaa halkaasi kasoo jeediyay khudbad dhinacyo badan taabanaysay oo dhiiri galin iyo wacyi-gelin iskugu jirtay, isagoona dhalinyaradii iyo aqoonyahankii kulankaasi kasoo qayb-galay ugu baaqay inay si wayn uga qayb-qaataan ololaha diiwaan-gelinta codbixiyaasha doorashada dalka ka dhici doonta sannadka 2017ka.

Si kastaba ha ahaatee, Dr. Maxamed Xassan Finnad ayaa ka mid ah Murashaxiinta Aqoonyahanka ah ee u taagan doorashada aqalka Baarlamaanka Somaliland ee sannada 2017ka lagu wado inay dalka ka qabsoonto.

 

Qurbejoog.Com

Hargeysa,Somaliland/Office

Comments are closed