|

Musharaxa Golaha Baarlamaanka Dr.Maxamed Xassan Finad Oo Dadka Deegaanada Degmada Sallaxley Ugu Baaqay Inay Is Diiwaangaliyaan

Sallaxley,13Dec,2015(QJ/SDN)-Dr.Maxamed Xassan Xaashi (Finad), Oo ka mid ah murashaxiinta aqoonyahanka ah ee u taagan jagada murashaxnimada golaha baarlamaanka dalkan jamhuuriyada Somaliland ayaa shalay socdaal ugu anba baxay deegaanno hoos taga degmada Sallaxley, socdaalkaas oo uu ugu kuur galaayay xaaladda nololeed ee dadka deegaanadaasi ku dhaqan.

Socdaalkan oo ay murashaxa ku wehelinayeen odayaasha iyo cuqaasha deegaanku, ayaa waxay ugu horayn ka bilaabeen magaalada Dhimbil-riyaale, iyadoo markii ay halkaasi gaadheen weftiga uu hoggaaminayo murashaxu ay dadka deegaanka ah la hadleen isla markaana ay u sheegeen inay qaataan Kaadhka aqoonsiga iyo ka codbixintaba.

Odayaasha iyo wax-garadka magaalada Dhimbil-riyaale ayaa iyaguna si wayn usoo dhaweeyay weftiga uu hor-kacaayay murashax Maxamed Xassan Finad, iyagoona u sheegay weftiga inay u diyaar-garoobeen qaadashada kaadhahka codbixinta iyo aqoonsiga isla markaana ay diyaar u yihiin inay si weyn uga qayb-qaataan doorashada soo socota ee 2017ka.

Weftigan oo socdaalkooda ku maray inta badan magaalooyinka hoos yimaadda degmada Sallaxley ayaa waxa kale oo ay sii mareen deegaanka balli-cas halkaas oo ay iyagana kala kulmeen soodhaweyn heerkeedu aad u sarreeyo.

Deegaanada kale ee weftigu uu gaadhay ayaa waxa ka mid ahaa magaalada Kaam-Tuug oo xuduudka Itoobiya iyo Somaliland ku taalla, halkaas oo uu Murashaxu dadka deegaanka Kaam-tuug kala hadlay meel fagaare ah isagoona dadka deegaanka ugu baaqay inay isku diyaariyaan sidii ay u qaadan lahaayeen kaadhadhka codbixinta iyo kuwa aqoonsiga ee jinsiyada, isla markaana ay qayb uga qaadan lahaayeen ololaha wacyi-gelinta ee diiwaangalinta madaniga iyo codbixintaba.

Ugudanbeyntii, murashaxa iyo weftigiisuba waxay soo gaadheen xarunta degmada Sallaxley, halkaas oo sidoo kale dadweynaha degamada ku wecyigaliyeen qaadashada kaadhka aqoonsiga iyo kan codbixinta.

Dhanka kale, weftigu ayaa u kuur galay xaaladda nololeed ee deegaanadaasi, iyagoo dadkii ay la kulmeen si fiican uga wareystay xaaladda guud ee deegaanka.

Si kastaba ha ahaatee, Murashax Aqoonyahan/Dr.Maxamed Xassan Finad ayaa waxa uu socdaalkiisani noqonayaa kii ugu horreeyay ee noociisa ah, isagoona murashaxu ka mid ah murashaxiinta golaha baarlamaanka.

 

Musharax Dr.Maxamed Xassan Finnad Oo Dadka Deegaanka Dhimbil-riyaale ku wacyi-gelinaaya qaadashada Cardka Aqoonsiga iyo diiwaangalinta.

101_4915

Musharax Maxamed Xassan Finad Oo Dadka Magaalada Kaamtuug ku wacyigalinaaya qaadashada qaadhka Codbixinta iyo Aqoonsiga

101_4938

101_4938101_4942

Musharax Maxamed Xassan Finad Oo Dadka Magaalada WartaAadan-Abokor ku wacyigalinaaya qaadashada qaadhka Codbixinta iyo Aqoonsiga 

101_4920

Musharax Maxamed Xassan Finad Oo Dadka Magaalada Kaamtuug ku wacyigalinaaya qaadashada qaadhka Codbixinta iyo Aqoonsiga

101_4945 101_4949

Oday CabdiBuur Oo Dadka magaalada Kaamtuug ku wacyi-gelinaya qaadashada Kaadhka Aqoonsiga iyo codbixinta.

101_4953

Comments are closed