Musharax Saleebaan Xaglotoosiye Oo Farriin U Diray Golaha Dhexe Ee Kulmiye DAAWO
Hargeysa,9Nov,2015(QJ/DN)- Wasiir Saleebaan Ciise Axmed Xaglotoosiye oo ah musharax u tartamaya jagada madaxweyne xigeenka, islamarkaana loolan kula jira madaxweyne xigeen Cabdiraxmaan Saylici, ayaa golaha dhexe ka codsaday inay codkooda siiyaan.
Farriintiisa waxa uu wasiirku ku sheegay in loo baahan yahay in golaha dhexe codkooda ku saleeyaan rabitaanka shacabka iyo mustaqbalka dalka iyo Kulmiye. Wuxuu sheegay inuu rajo fiican ka qabo ku soo bixidda jagada madaxweyne xigeenka.
Musharax Saleebaan oo la waydiiyay inuu mabda’a Somaliland ka noqonayo haddii doorashada lagaga adkaado ayaa dacaayado raqiis ah ku sheegay wararkaasi, wuxuuna sheegay in madaxnimadu tahay mid Illaahay bixiyo.