|

Musharax Ismaciil Bubaa siyaasi wax ka qabadka xaaladaha dalka iyo walaaca dunida is waafajin kara

Muqdisho Aug 16 2012(SDN)-Musharaxa xilka madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya Md Ismaciil Hure Buubaa ayaa waxa uu ka mid yahay siyaasiyiinta isu soo taagay xilka dalka ugu sareeya ee dhawaanta ku herdemi doona jagadaasi.

Md Bubaa oo dhawaan soo bandhigay damaciisan ayaa sidoo kale ka waramay xaaladaha dalka ka jira ee uu diirada saari doono kolka xilka uu qabto.

Md Bubaa ayaa sheegay i xaaladaha dalka uu ukala saaray dhawr qeybood oo uu muhiimado gaara kala siiyay.

“Xaalada nabadeynta iyo dejinta dalka ayaan muhiimada dalka siin doonaa”ayuu yiri musharax Bubaa oo dhawaan saxaafada kula waramay Muqdisho.

Md Bubaa ayaa sidoo kale waxa uu ka waramay baahida loo qabo in la is waafejiyo walaaca dunidu ka qabto xaaladaha amni ee Soomaaliya iyo baahida Soomaalidu u qabto degenaasho iyo horumar.

“Xaaldaha dunidu ka walaacsan tahay waa qaar wax ka qabashadoodu ay ku xiran tahay la tacaalka mashaakilka Soomaaliya sida amaanka oo la sugo,waxbarashada iyo caafimaadka oo la kafaalo qaado”ayuu mar kale yiri Musharax Bubaa.

Md Bubaa ayaa mar uu ka waramayay musuqa iyo wada shaqeyn xumada u dhexeysa heyadaha dalka waxa uu sheegay in loo baahan yahay in la helo masuuliyiin ka sareysa hanti boob oo aqoon u leh hawsha qaran ee looga fadhiyo.

“Musuqmaasuqa iyoi karti yarida masuuliyiinta dalku waxa ay ka mid tahay dib u dhaca weyn ee dalku uu ku jiray mudadii KMG,haatan waxa ay tahay in lala yimaado qorshe hufan oo looga baxayo dibu dhaca,waxaanan damacsanahay in aan soo dhiso xukuumad ka kooban golle wasiiro oo faro ku tiris ah oo wax ka qaban doona xaaladaha daruuriga ah ee ummadu u baahan tahay”ayuu yiri Md Bubaa.

Musharaxa xilka Madaxweynenimo ee dalka Soomaaliya Md Ismaciil Hure Bubaa ayaa waxa uu ka waramay in kolka xilka loo doorto uu xooga saari doono maamul daadejinta dalka,iyo xoojinta nidaamyada goboleed ee dalka ka jira.

“Waxaanu dhaadhicin doonaa maamulka,dawlada dhexe waxa ay kafaalo qaadi doontaa uun adeegyada guud sida difaaca,iskaashiga caalamka oo kale,balse adeegyada asaasiga ahi waxa gacanta ku heyn doona  maamulada gobolada dalka.”ayuu yiri Mr Buubaa.

Musharaxa xilka madaxweynenimo ee Soomaaliya ayaa sheegay in nidaamka federaalka oo la waafijiyo xaaladaha dalka ay noqon karto hab iyo nidaam ay Soomaalidu ku wadaagi karto dawlad waarta oo isku si ummada ugu shaqeysa kana saarta xaaladaha guracan.

Md Bubaa ayaa ka mid ah shaqsiyaadka faro ku tiriska ah ee xilka haatan u taagan ee dawladihii kala duwanaa ee Soomaalida xilal sar sare ka soo qabtay isla markaana si weyn looga yaqaano caalamka Islaamka,kuwa dunida sadexaad iyo kuwa reer Galbeedka.

SDN-Muqdisho

contact@somalidiasporanews.com

 

Comments are closed