|

Musharax Cirro oo sheegay in uu taageersan yahay Heshiiska Badda

Hargeysa November 04, 2024(QJ)-Murashaxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani ee Somaliland Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa sheegay inuu sii wadi doono heshiiskii Somaliland iyo Itoobiya, isla markaana wada hadal lagu dhamayn doono colaadda gobolka Sool.

Guddoomiye Cirro oo waraysi gaar ah siiyay BBC Somali ayaa xusay inuu wada hadal ka yeelan doono colaadda ka aloosan gobolka Sool, isagoo ku nuux-nuux saday in dadka Somaliland iyo Laascaanood ay yihiin dad walaalo ah, wixii khilaaf ah ee dhexmarana wada hadal lagu dhameeyo.

Guddoomiye Cirro oo aanu wax ka weydiinay mawqifkiisa ku wajahan heshiiska Somaliland iyo Itoobiya, waxa uu sheegay inaanay dhinac ahaan arag heshiiskaas, waxaanu soo jeediyay in la horgeeyo Baarlamaanka. Wuxuu intaas ku daray in haddii uu madaxweyne noqdo uu sii wadi doono heshiiska.

“Waxaanu sheegnay in wixii Somaliland faa’iido u ah aanu taageersanahay, dawladu heshiis way geli kartaa, laakiin sharcigayadu waxa uu dhigayaa in heshiis kasta oo xukuumaddu gasho baarlamaanka la keeno, heshiis kasta oo ay Somaliland gasho waanu sii wadeynaa” ayuu yidhi.

Cirro waxa kale oo uu xusay in haddii uu ku guulaysto uu Somaliland dhisi doono, isla markaana uu heshiisyo la geli doono caalamka. Waxa kale oo uu wasiirku iftiimiyey inuu muddo dheer soo shaqaynayey diblomaasiyiin iyo inuu doonayo inuu xoojiyo xidhiidhka Somaliland la leedahay dalalka muhiimka ah sida Itoobiya, Kenya, Ingiriiska iyo Maraykanka.

Ugu dambeyn waxa uu sheegay in guddiga doorashada uu u saxiixay in ay aqbalaan go’aan kasta oo ay ka soo saaraan doorashada. Sidaas darteed, haddii uu guul-darraystay, waxa uu aqbali doonaa natiijada ka soo baxda, oo aanu mar dambe isu soo sharixi doonin.

Comments are closed