Musharax Cabdiraxmaan Ciro Oo La Kulmay Siyaasiyiinta Abiib Timo Cad Iyo Ismaciil Yare & Dareenada ka dhashay
Hargaysa 03. July 2017 (SDN/QJ):- Musharaxa Madaxweyne ee xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro ayaa Kulano Midabyo badan leh Waxa uu la qaatay Siyaasiyiin Magac weyn leh oo ay ka Mid yihiin Abiib Diiriye Nuur ‘’Abiib Timo-cad’’ iyo Ismaaciil Aadan Cismaan ‘’Ismaaciil Yare’’ oo Labadooduba ka wada Tirsan Xisbiga Talada Somaliland haya ee Kulmiye.
Siyaasiyiintan ayaa hore xilal wasiirnimo Waxay ka soo qabteen Xukuumadihii u kala danbeeyay Somaliland iyadoo abiib Timo cad uu Laba Wasaaradood Madaxweyne Siilaanyo u Magacaabay Isla markaana uu iska Casilay Xilka Wasiirnimo Maadaama uu Xidhiidh dhow la ahaa Wasiirkii Maaliyadda ee hore ee Madaxweyne Siilaanyo Saaxiibka dhow la ahaa Mudane Cabdi casiis Maxamed Samaale oo Markii laga bedelay Xilka wasaaraddaasi shaaciyey inuu iska Casilay Xubin ka ahaanshihii Xukuumadda Mudane Axmed Maxamed Maxamud Siilaanyo Laba Cisho kadib ayaa Abiib Timacad uu daboolka ka qaaday inuu iska Casilay Xilkii Wasiirka Wershadaha.
Halka Siyaasi Ismaaciil Aadan Cismaan ‘’Ismaaciil Yare’’ Xil dawladeed uu ugu danbeeyay Markii Madaxweynihii hore ee Somaliland Mudane Daahir Rayaale Kaahin ka qaaday Jagadii Wasiirka Arrimaha Gudaha.
Sannado door ah kadib ayaa Ismaaciil yare uu ku soo noqday Saaxada Siyaasadda Kadib Markii uu aasaasay Urur Siyaasadeedkii Dalsan ee Ku hadhay Tartankii Doorashada Dawladaha Hoose hasa yeeshee Wuxuu la Xulufo noqday si dhab ahna uu ugu biiray Xisbiga Kulmiye ee uu hogaamiyo Gudoomiye Muuse Biixi Cabdi.
Labadan Siyaasi ee Ismaaciil Yare Iyo Muuse Biixi ayaa loo arkayay inay isu hayaan Colaad gaamurtay hasa yeeshee Waxay taasi hoos u dhacday kadib Markii uu Ismaaciil yare la Midoobay Xisbiga Kulmiye inkasta oo wixii wakhtigaas ka danbeeyay aan lagu arag Masraxa laga jilo siyaasada Somaliland.
Ilaa hada ma cada waxyaabaha ay labada dhinac ka wada hadleen inkasta oo ay soo baxday warar sheegaya in Siyaasi Abiib Timo Cad uu Ku biiri doono Xisbiga Waddani.