|

Murashixiintii doorashooyinka Punt land oo Gorgortan dheer kadib loo ogolaaday qodob Muran Xoogani ka Taagnaa

Garowe 25.Dec 2013 (SDN)-Ka dib shirar badan iyo kalamo ay yeelanayen maalmihii la soo dhaafay musharaxiinta xilka madaxtinimo u taagan Puntland doorashada 2014 ayaa lagu soo waramayaa inay ogoladeen guddiga xalinta iyo xulida ee uu magacaabay madaxweynuhu.

88_4Magacaabista Guddiga xulista xildhibaanada & xalinta khilaafaadka ayaa dhalisay muran, waxana ku doodeen musharaxiintu in laga qaybgasho xubanaha magacabistooda iygaoona ugu danbeyntii Issimada ugu baaqay inay arinta soo dhex galaan.

Inkastoo aan weli la qaban shir saxaafadeedkii ay ku dhawaaqi lahayeen musharxiintu haddana waxa la sheegaya in gebi ahaan isku raaceen qodobkan mudada loo xayirnaa.

Dhowaan kulan ku dhexmaray madaxtoyada Garowe madaxd Puntland iyo musharaxiinta ayaa lagu kala fikir duwanaaday cida xaqa u leh magacaabista guddigan.

Waxa lagu wadaa maalmaha soo socda in la dedejiyo hawsha kala saarida magacayda ay soo gudbiyeen beeluhu si loo xulo 66- da qof ee wakiilada ka noqonaya shacabka Puntland.

Garowe SDN.

Qurbejoog.com

Comments are closed