|

Murashixiinta Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi & Saylici oo Safar Ku Tegay Magaalada Boorama SAWIRO

15349581_342282466135479_189470874526499505_nBoorama 11. December 2016 (SDN/QJ):- Shacabka reer Awdal, ayaa si Balaadhan u soo dhaweeyey wefti ballaadhan oo ay horkacayaan Murrashaxiinta Madaxweynaha iyo madaxweyne-ku-xigeenka xisbiga KULMIYE – Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Md. Cabdiraxmaan Cabdillaahi Ismaaciil (Saylici) oo socdaal ku tagay Gobolka.

15338741_342282469468812_3534511463186004596_nWeftiga KULMIYE oo saaka ka ambabaxay magaalada Hargeysa, siina maray Gobolka Gabiley, ayaa soo dhawayn layaab leh kala kulmay dadweynaha degmooyinka Gobolka Awdal ee Dila ilaa Boorama oo socdaalkoodu ku wajahnaa.

15326497_342282442802148_3405851597567443453_nWaxaanna kumanaan qof oo isugu jira dhammaan qaybaha bulshada oo ay horkacayaan madaxdhaqameedka Gobolka, siyaasiyiinta caanka ah iyo aqoonyahanka ku qaabileen magaalada Dila ilaa Boorama oo inta ka u dhaxaysa ay jidka wayn taxnaayeen.

15350676_342282912802101_169021940954374985_nSoo dhawaynta u waynayd oo ka dhacday magaalo madaxda Gobolka Awdal ee Boorama oo duleedkeeda lagaga hortagay weftiga, iyadoo markii dambena loo galbiyey fagaaraha wayn ee Khayriyada oo ay isugu soo baxeen kumanaan dadweyne u heellan xisbal-xaakimka Somaliland oo lulayey calamada Qaranka iyo ka xisbiga KULMIYE, iyadoo halkaasina madaxdu ka jeediyeen khudbado muhiim ah.

15350695_342284049468654_4037128600511662818_nMudooyinkii u Danbeeyay Waxaa Qalabka Warbaahinta haystay Khilaaf soo Kala dhex Galay Gudoomiye Muuse Biixi iyo Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Mudane C.raxmaan Saylici.

Comments are closed