|

Murashixiinta Xisbiga Jamhuuriga Oo Dood Kulul Isku Waajahay Iyo Gundhiga Doodoodda

Washington, 08 Aug 2015 (SDN/QJ)-Tobanka murashax ee ugu cad-cad tartanka madaxtinimada xisbiga jamhuuriga dalka Mareykanka ayaa ka qayb galay dooddii ugu horreysay ka hor doorashada madaxtinimada ee sanadka dambe.

doodii JamhuurigaFuritaankii dooddaasi ayaa maalqabeenka ka ganacsada guryaha ee lagu magacaabo Donald Trump waxa uu shaaciyay in uusan meesha ka saarayn in uu noqdo musharax madax bannaan haddii uu ku guuldareysto tartanka xisbiga jamhuuriga.

Dhammaan Murashixiinta ayaa dhaliil u jeediyay musharaxa xisbiga dimuquraadiga Hillary Clinton balse sidoo kale waxa ay dhammaantood isku maandhaafeen arrimaha qaar sida kuwa socdaalka iyo haweenka uurka leh ee ilmaha iska soo rida.

Murashixiintan ayaa sidoo kale waxay dhaliilo isku mid ah u jeediyeen Xisbiga Diumqraadiga ah waxaanay ku dhaliileen siyaasadiisa arrimaha dibadda, heshiiska uu la galay Iran iyo waliba dhinaca dhaqaalaha oo ay sheegeen inaanu gaadhin halkii looga baahna.

Comments are closed