|

Murashixiinta Jagada Madaxweyne Ku Xigeen ee Xisbiga Waddani oo Galay Ololayaal Xoogan Iyo Shirar Duceedyo ay ku qabteen Hargaysa Iyo Burco

Hargaysa 19.Aug 2016 (SDN/QJ):- Wakhti uu kaabiga innagu soo hayo Shirweynihii Golaha Dhexe ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI oo la filayo in uu caasimadda Hargeysa ka qabsoomo 1-da Bisha Oktoobar ee innagu soo aaddan, waxa kaambayn adag iyo loollan aad u kululi ka taagan yahay Mansabka Musharraxa Madaxweyne ku xigeen iyada oo Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Md. Axmed Muumin Seed muddo laba wiig ah safar shaqo ugu maqan yahay Gobolka Togdheer oo uu kulamo hoose oo kaambayn culus ah kula yeeshay xubnaha Golaha Dhexe xisbiga WADDANI kaga jira Gobolka Togdheer iyada oo taa baddalkeeda ninka lagu magacaabo Maxamed Cali Cabdi oo hore u sheegay in uu u taagan yahay isla mansabkaasi uu saddexdii habeen ee ugu dambeeyey kulamo hoose isla Hargeysa kula yeeshay xubno golaha dhexe ee xisbiga WADDANI ka tirsan oo ka soo jeeda Gobolka Maroodi Jeex oo uu kulamo kaambayn siyaasadeed ah la yeeshay.

Wararka naga soo gaadhaya Caasimadda Gobolka Togdheer ee Burco waxa ay tibaaxayaan in Mudane Axmed Muumin Seed oo ah Guddoomiye ku xigeenka xisbiga WADDANI ahna Musharraxa Madaxweyne ku xigeen ee xisbigaasi kulamo hoose oo xidhiidh ah habeenadii ugu dambeeyey Burco kula lahaa xubno badan oo ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI ee ka soo kala jeeda Beesha Bariga Burco iyo waliba Xubno Golahaasi ka tirsan oo iyana ka soo jeeda Beesha Galbeedka Burco iyo guud ahaan beelaha kale ee Gobolkaasi dega xubnaha kaga jira Golaha Dhexe ee WADDANI, kuwaasi oo Mr. Muumin la yeeshay kulamo kaambayn ah oo aad u culus isaga oo dadaal weyn ugu jira in uu si weyn ugu soo baxo tartan kasta oo kaga yimaaddo xubnaha kale ee mansabkaasi hungurigu ka hayo.

Sidoo kale kulammo isla kuwan oo kale ah waxa Caasimadda Hargeysa habeenadii ugu dambeeyey ku qabanayay Mudane Maxamed Cali Cabdi oo ka mid ah siyaasiyiinta ka soo jeedda Gobolka Awdal oo hore u shaaciyey in uu u taagan yahay musharraxnimada Xisbiga WADDANI ee Mansabka Madaxweyne ku xigeen iyada oo la sheegay in ninkan odayga ahi kulamo hoose oo kaambayn ahaa la yeeshay Xubno ka tirsan Golaha Dhexe ee Xisbiga WADDANI ee ka soo jeeda Beelaha Gobolka Hargeysa sida beesha Woqooyiga, Galbeedka iyo Koonfur Galbeed ee Hargeysa, Beesha Koonfur Galbeed iyo Balligubadle, iyo waliba Beesha Koonfur Bari ee Caasimadda iyo degmada Sallaxlay iyada oo mid kastaa dhinciisa u doonayo in uu u kasbado tirada ugu badan ee xubnaha Golaha Dhexe ee xisbiga WADDANI.

Inkasta oo xaaladda diyaar garaw iyo siyaasadeed ee Xisbiga WADDANI ee ku aaddan shirweynahaasi wali tahay mid aad u qabaw oo an shaaraca siyaasadeed ee dalka laga dareemin haddana waxa tartankan xaammigiisu durba soo baxayaa oo ku eg yahay oo ka taagan yahay siyaasiyiinta Gobolka Awdal ka soo jeedda ee u ordaya Musharaxnimada Xilka Madaxweyne ku xigeen ee Xisbigaasi.

Si kastaba ha ahaatee, Axmed Muumin Seed oo ah Guddoomiye ku xigeenka 1aad ee WADDANI ayaa marka loo eego Maxamed Cali Cabdi waxa uu u muuqdaa mid ka faa’iidaysanaya doorka ballaadhan ee uu xisbiga ku leeyahay marka loo eego siyaasigan kale ee la tartamaya oo aan inta badan ka muuqan fagaarayaasha siyaasadda ee dalka wax xil ah oo weyna aan ka hayn xisbiga WADDANI, sida la sheegona aan ka mid ahayd kaadirkii hore ee seeska u dhigay xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI.

Comments are closed