Isbahaysiga Murashixiinta Kulmiye oo Qaadacay Gudidii Madaxweynuhu Magacaabay,Shakina Geliyey inay ka Qayb geli doonaan Shirka Golaha Dhexe iyo Wasiirkii Hore ee Madaxtooyada oo Hadal duur Xul ah u Jeediyey Muuse Biixi DAAWO
Hargaysa 02.Nov 2015 (SDN/QJ)- Saddex musharax oo ka mid ah musharraxiinta ku tartamaya jagada madaxweyne ee xisbiga Kulmiye dhexdiisa ayaa sheegay inaysan ka qeyb gali doonin shirka golaha dhexe ee xisbiga ee dhacaya bishan
Musharraxiintan oo kala ah Cabdicasiis Maxamed Samaale, Maxamed Biixi Yoonis iyo Axmed Cabdi Kijaandhe oo maanta kulan qado ah isugu yeedhay taageerayaashooda ayaa sheegay in kulanka xisbiga uu afduuban yahay.
Waxa ay sidoo kale ku gacan saydheen guddi uu xalay madaxweyne Axmed Maxamed Silaanyo u magacaabay inay xal u raadiyaan murankan xisbiga ka dhex aloolsan.
Guddigaas oo shan xubnood ka kooban ayaa madaxweyne Siilaanyo waxa uu sheegay in howshooda ay noqon doonto inay baaraan oo ay kadibna xaliyaan waxyaabaha khilaafka xisbiga Kulmiye dhaliyey.
Wasiirkii Hore ee Arrimaha Dibada ahna Murashax Madaxweyne ee Xisbiga Kulmiye ayaa Sheegay in Maadaama aanu dhex ahayn Xubnaha uu Magacaabayna aanay Kalsooni Ku Qabin.
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Maaliyada Murashax C.casiis Maxamed Samaale ayaa dhankiisa Sheegay in Madaxweyne Siilaanyo aanu Garabkooda kala Tashan Gudida Khilaafka Kulmiye uu u Xilsaaray Waxaa kale oo uu Iftiimiyey Gal daloolada Jirta ee u baahan in la Xaliyo,Isagoo Sheegay inuu Kalsooni ku qabo hadii Tartan furan oo Xor ah ah uu ka dhaco Kulmiye Natiijada uu ka Helo.
Murashax Kijaandhe ayaa isaguna Iftiimiyay Dhaliilaha Qoraal SIILAANYO Ku Magacaabay Gudiga Uu U Xil saaray Xalinta Khilaafka KULMIYE
Murashaxa Madaxweyne Ku Xigeen ahaana Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Waxbarashada Prof Geedoole ayaa Ka Digay In Cid Gaar Ah Loo Xidho Murashaxa Madaxweyne Xigeen Ee KULMIYE
Wasiirkii Hore ee Wasaaradda Madaxtooyadda Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa hadal dhinacyo badan taabanaya oo uu Madashaasi ka jeediyey Waxa uu Si Duur Xul ah ula hadlay Gudoomiye Muuse Biixi oo uu u soo Jeediyey inuu ogolaado in Xisbiga Kulmiye lagu tartamo,Maadaama Xisbiga Kulmiye uu yahay ayuu yidhi Xisbi Dimuquraadi ah.
Sidoo kale Gudoomiye Ku Xigeenka 2aad ee Xisbiga Kulmiye Xildhibaan Waabeeye ayaa Sheegay in Shirkaas ay Fadhiyeen in ka badan 200 oo ka Mid ah Ergada Golaha Dhexe taas oo Suurto gelin karta ayuu Yidhi inuu u furmo Kooramka loo baahnaa Sharci ahaan.