Murashaxiinta baarlamaanka oo ka digay in muddo-kordhin dambe loo sameeyo Golaha Wakiillada
Hargaysa 11.Aug 2016 (SDN/QJ):-Murrashaxiinta u tartamaya Golaha Wakiillada ee Somaliland, ayaa ka digay in dib loo dhigo Doorashada golahaasi, iyagoo madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ugu baaqay inuu go’aan deg deg ah oo cadaalad ku dhisan ka soo saaro murranka ka taagan Saami-qaybsiga Kuraasta Baarlamanka.
Murrashixiinta oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay Magaalada Hargeysa, iyagoo ka kooban dhamaan Gobolada Somaliland, ayaa daboolka ka qaaday inaanay aqbalaynin in dib loo dhigo Doorashada Baarlamanka, iyagoo ka turjumaya rabitaanka Shacbiga, isla markaana doonaya in dalku yeesho baarlaman cusub oo bedela Xildhibaannnada golaha fadhiya 12-ka sannadood.
Murrashaxiinta ayaa ku taliyey in arrinta saami-qaybsiga lagu xaliyo laba dariiq midkood: in tirada Kuraasta Gobolada lagu saleeyo tirada shacbiga iska diwaal-gelisay iyo in sidii hore lagu galo, oo wakhti ku filan loo qaato xalinta tabashooyinka saamiga. Waxay ku dooddeen in tacab badani ka galay ololaha diwaan-gelinta codbixiyeyaasha ee dalka ka socda, iyagoo sheegay inay howshaas doorkooda ka qaateen, si Doorashadu u dhacdo xilligii loo cayimay ee 27 March 2017, taasoo
Geesta kale, waxay murrashaxiintu dhaliil u jeediyeen Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee iminka fadhiya oo ay ku eeddeeyeen inay sii jeclaysanayaan in muddo-kordhin kale loo sameeyo, taasoo ay ku tilmameen mid nusqaan ku ah haykalka Dawladnimo iyo dimuquraadiyada dalka ka jirta.
“waxaan doonaynaa in madaxweynuhu sidii uu ku balanqaaday ee ahayd in doorashooyinku qabsoomaan oo si sharaf leh u dhacaan, iyadoo diwaan-gelintii la galay oo howl badan aanu qabanay oo tacab aanu gelinay, haddaba in uun haddii sharci jiro, madaxweyne ayaa saxeexay, maxkamad ayaa laysla galay, heshiisbaa lagu galay in wakhtigaa doorashadu dhacdo,markaa waxaanu codsanaynaa in doorashadu wakhtigeedii dhacdo”sidaas waxa yidhi Murrashax Dr. Maxamed Khadar Daahir oo kamid ah Murrashaxiinta Shirka jaraa’id ka hadlay. Waxaanu intaas ku daray “Doorashada waxa loo sameeyey in isbedel dhaco oo shantii sannadood ba doorasho dhacdo, maaha in kuraasta layska jeclaysto oo labaatan sannadood layska fadhiyo” waxa uu intaas raaciyey “waa in sharciga la ixtiraamaa, waa in rabitaanka Shacbiga la ixtiraamaa, sidaas ayaannu madaxweyne kugu baraarujinaynaa” ayuu yidhi.
“ waxa kale oo aan leeyahay qoladan meesha fadhida 12-ka sannadood, xilku waa meerto, laydiinma dooran inaad meesha iska fadhidaan, dadkii idin soo doortay ixtiraama oo waan ognahay inaad jeceshihiin inaad iska sii fadhidaane, looma baahna inaad kursiga isku sii dhejisaan” ayuu hadalkiisa raaciyey Axmed Cabdi Ibraahim.
Eng. Axmed Cabdi Ibraahim oo isaguna shirka ka hadlay, ayaa sheegay in dalku u baahanyahay baarlaman cusub oo bedela kuwa 12ka sannadood kuraasta fadhiya. Waxa uu ka digay in dib u dhac dambe ku yimaado doorashada Baarlamanka, isagoo madaxweynaha ku ammaanay dedaalka uu ugu jiro xal u helida caqabadaha hortaagan Doorashooyinka. “waxaanu mar kale madaxweynaha xusuusinaynaa inaanu diyaar u nahay inaanu Doorasho. Inay shacbigu doonayaan inay doortaan Baarlaman cusub oo metela, inuu dalku u baahanyahay Golle cusub oo xeer-dejineed, taasoo oo aanu u diyaar garownay sidii aanu bedeli lahayn Golaha. Waxaanu jecelnahay Madaxweyne annagoo kugu amaanayna waxqabadka iyo horumarka aad dalka gaadhsiisay inaad go’aan geesinimo leh qaadato oo aad doorashada wakhtigeedii ahaa 27-ka bisha March 2017 qabato oo aanay wakhtigaas dhaafin” ayuu yidhi Murrashax Eng. Axmed Cabdi Ibraahim.
Xasan Axmed Cilmi Geelle, ayaa isna sheegay “haddii maalin walba muddo-kordhin iyo dib u dhac doorasho lagu jiro, taasi waxay wax u dhimaysaa sumcadda waddanka. Waxay niyad ku tahay shacbiga, waxay dhaawacaysaa qaranimada iyo midnimada umadda Somaliland” ayuu yidhi.
Murrashax Shucayb Macalin ayaa Madaxweynaha kula taliyey “Madaxweyne caqli maaha in nimanka 12-ka sanno fadhiyey maantana la yidhaahdo doorashoodii dib ayaa loo dhigay ee ku tuntuunso sidii isbedelka dadku doonayaan u iman lahaa”.
Murrashaxiinta kale ee shirka ka hadlay, waxa kamid ahaa eng. Xuseen –kayse Axmed Cilmi, Cali Rooble Xirsi, Shucayb Macalin Qaasim, Xuseen Aadan, Maxamuud Faarax, Aadan Jaamac, Maxamed Xasan Finad iyo Khadar Saleeban Cartan, kuwaasoo dhamaantood mowqif xambaarsan farriin midaysan kaga dalbaday Madaxweynaha inaanu jadwalka Doorashooyinka ka leexin sidii hore loo jaan-gooyey, balse uu ku dedaallo mudada ka hadhay wakhtigaas sidii loo xalin lahaa caqanadaha jira, sida arrinta saami-qaybsiga oo ay madaxweynaha kula taliyeen inuu ka qaato go’aan muda-karnimo leh.
Waxa kale oo ay Mudaneyaasha Golaha Wakiillada iyo hogaamiyeyaasha asxaabta Qaranka ka dalbadeen in la dhowro shuruucda iyo geedi socodka dimuquraadiyada, lagana shaqeeyo sidii Doorasho Baarlamaani ah dalka looga qaban lahaa.
Maaha markii ugu horaysay ee ay Murrashaxiinta Golaha Wakiillada oo ka kooban gobolada dalka oo dhami soo saaraan baaq noocan ah oo ay ku dalbanayaan in la qabto Doorashada Golahaas xilliga loo cayimay, isla markaana Madaxweynuhu Digreetada ku soo saaray. Waxaana cabashooyin hore oo ay warbaahinta u mariyeen qasriga madaxtooyada ka dhashay talo-bixin Madaxweynuhu waydiistay Asxaabta Qaranka iyo Shir-guddoonka Baarlamanka bishii June, taasoo aan illaa hadda wax natiijo ah laga gaadhin dalabka madaxweynaha oo ahaa inay ka talo-bixiyaan habka saami-qaybsiga Golaha Wakiillada.