Murashax Muuse Biixi oo Madal loo dhamaa Fannaanada Khadra Daahir kaga Codsaday Mid ka Mid ah Heesaheeda iyo Falcelinta Khadra DAAWO
Hargeysa 02.Aug 2016 (SDN/QJ):- Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE ahna musharraxa xisbigaasi uga tartami doona kursiga madaxweynaha doorashada la filayo in ay qabsoonto dhawaan Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Fanaannada caanka ah ee Khadra Daahir Cige ayaa weedho kaftan ah isku waydaarsaday madal ilyartu is qabatay oo ay ku kulmeen isla markaana khudbado ka jeediyeen labadooduba.
Khadra Daahir Cige oo khudbad kooban ka jeedisay xaflad loo sameeyey wanqasha degmada cusub ee Balli Mataan oo ka tirsan gobolka Hargeysa taasoo uu dhawaan madaxweyne Siilaanyo u dallacsiiyey degmo nimo iyada iyo lix degmo oo kale ayaa jewigii madashu kol keliya is bedelay kadib markii ay Guddoomiye Muuse iyo Khadra Daahir Cige weedho hoos ka tuur ah ku kaftameen iyada oo weli aanay khudbadeeda dhamaysan. “Dhammaantiin horta waan idin salaamayaa”.
Ayay Marwo Khadra Daahir Cige ku ballaysintay hadalkeeda, waxaanay intaa ku dartay iyada oo ka cudur daaranaysa mawduuca ugu hadal haynta badan ee mas’uuliyiintii codbaahiyaha loo dhiibay iska daba mareen “Anigu siyaasad kama hadlo laakiin aniga oo ku hadlaya afka hablaha qurba joogta ah iyo deegaankanba oo ay reer abtigay degen yihiin aniguna aan ka soo jeedo, waxaan ballanqaadayaa in aan dhismaha degmadan cusub ku darsado oo aan guri ka dhiso Balli mataan, halkaas oo qur’aanka aan ugu akhriyo haddii alle idmo [deegaanka]”. Ayay tidhi Khadra Daahir Cige oo markay hadalkaas tidhi sacab iyo mashxarad soo dhawayn ah ay marti sharaftu ku qaabishay ballanqaadkeeda.
Intaa kadib ayaa guddoomiyaha xisbiga talada haya ee KULMIYE ahna musharraxa madaxweynaha ee xisbigaasi Md. Muuse Biixi Cabdi oo isaga iyo hoggaamiyeyaasha kale ee UCID iyo WADDANI fadhiyeen Minbarka laga khudbadaynayay dabadiisa oo Ay Fanannada Khadra Daahir Cige taagnayd markaasi, waxaa uu iyada oo kelmaddii hadalka ee la siiyey ku gudo jirta uu weedh kaftan ah ku soo tuuray, taas oo dadkii ka agdhawaa mikirifoonkuna si hal-ka-haleel ah u maqlayeen. Kuye Muuse Biixi “…Khadraay noo hees”. Khadra daahir isla markii uu codka guddoomiye Muuse Biixi oo ahaa hoos ka tuur codsi ahi soo gaadhayba way ka jawaab celisay, kute intay ku jeedsatay halkii uu fadhiyey “Muusoow horta heesaha waan joojiyeyee laakiiin……”, intaanay dhamayn buu guddoomiyuhu ka dhex galay hadalka oo yidhi “ [Hawraarsan]……Okey, Okey, Okeey habaryar waayahay”.
Hase yeeshee Khadri hadanna way u fulisay Muuse Biixi Codsigiisii oo ay ku dhufatay mid kamid ah heesaheeda hallaasiga ah iyada oo siiqad toolmoon ugu luuqaysay tuduc kamid ah heesta [Isha shacabka mari] oo midhaheeda iyo naaxiyadeeda ay kala lahaayeen alla ha u wada naxariistee Cabdiqaadir Xirsi Siyaad [Yamyam] iyo Axmed Gacayte Yuusuf. Tuduca ay soo qaadatay Khadra Daahir ee heestaas kamid ahaa oo sacab iyo jiib badan kasbaday ayaa ahaa
“Yey ku dhicin Ilmadu
Dhul abaarsadee
Isha Sacabka mari…..”
Dadkii fadhiyey ayaa intii beydkaasi ay qaadaysay khadri iyaguna ugu jiibinayay sacab iyo jiib iyaga oo qaarkood gacmaha kor u lullay. Musharraxa madaxweynaha ee xisbul-xaakimka Somaliland ee Muuse Biixi Cabdi ayaa markii ay beydka heestaas ku dhufatay fanaannadu waxaa uu isaga oo shucuurtiisu la dhacsan tahay heesta waxa uu u mahad naqay Khadra oo ku soo jeedsatay markaas iyada oo weli minbarkii taagan mikirifoonkiina haysata “..mahadsanid, mahadsanid…Bes haddaba, bes” ayuu yidhi isaga oo qoslaaya.