|

Murashax Madaxweyne Somalia Xassan Sheekh Max’uud (Qabyo Ninkeeda ayaa Dhamaystira) iyo Khudbadiisii Golaha Baarlamanka DAAWO

Muqdisho 03. February 2017 (SDN/QJ):- Xassan Sheekh Max’uud ayaa inta badan khubadiisa ku qaatay in uu wax badan qabtay mudadii uu afarta sanno aheyd ee uu xilka hayay, gaar ahaan lixdii tiir ee uu ballanqaaday in uu markii uu xilka la wareegay.

Wax yaabaha ay dowladdiisa ku guuleysatay mudadii afarta sanno aheyd ayuu sheegay in ay ka mid ahaayeen amniga iyo hormarinta dowladnimada iyo soo celinta xiriirkii caalamiga ah, isaga oo sidoo kale sheegay in dowladdiisa ku guuleysatay dhameystirka nidaamka federaaliisamka,inta dhimanna la dhameystirayo.

Madaxweynaha ayaa sheegay in sidoo kale marar badan dowladiisu sameysay isku day ah in la xaliyo tabashada Soomaaliland arintaana meel wanaagsan mareyso.

Arimaha u baahan dhameystirka ayuu ku sheegay xasilinta dalka iyo Nabad Geliyada,waxaana uu sheegay in la furan doono Meelaha ku haray gacanta Al-shabaab.

Waxaa uu ugu danbeyntii sheegay in uu dhameystiri doono dhismaha siyaasadda Qaranka si loo gaaro 2020ka doorasho qof iyo cod ah.

Comments are closed